Riyaddii Rumawday! Qeybtii 9aad

 

 

Axmed waxa uu sii ambo-qaadayaa sharaxaadii uu wali kasii siinayay Saaxiibkii Ismaaciil Nolasha qoyskooda iyo ta Ehelkooda,waxaana uu intaas u raaciyay: “ Aabbo isna waa ganacsadde oo waxa uu soo dajeyaa Qalabka Dhismaha iyo ka Baabuurta,waxaana uu hadda ku maqan yahay Dalka dabadiisa.Waxa kale uu shuraako l’a yahay Gacansato kale oo Xoolaha dhoofisa.Aabbo runtii waa shaqsi naxasriis iyo gacan-furnaan ALLAH ku galadday,waxaana uu ku jiraa Guddiga sare ee Iskuulkan aynu hadda wax ka barano isaga oo qeyb ka ahaa Dadkii Muxsiniinta ahaa ee Iskuulka dhisay Tobban sanno ka hor oo aan markaasna an-na yaraa oo waxaan ku jiray Malcaamadda,waxaana uu aabbo igu odhan jiray Iskuulkaas baan kuugu darayaa markaad Malcaamadda dhamayso ee si fiican wax u baro.

 

Maamulaheena Macallin Cabdiraxmaan,markii Iskuulka aabbo igu soo daray aad buu u furxay,waxaanan ka xauusutaa hadalkii uu maalintaas ku yidhi aabbo; “Waxaan rajaynaa in Wiilkaagan Curad ee Axmed uu noqdo shaqsi kaaga dayda Wanaagga,wax-bixinta iyo gacan-qabashadda dadka tabaalaysan,waayo Iskuulkaas maanta aad aragto inta Qof ee wax-kabarata adiga la’aantaa muu suuragaleen oo waxaad naga awday meel nagu banaanayd,waxaanaad wax-na tartay wakhti adag oo dad badan oo kaa maal iyo adduun badani ay naga gaws adaygeen,ka dib markii aanu u holanay inay Khayrka iyo wanaaga nagala qeyb-qaataan oo ay Iskuulka wax ku darsaddaan si ay berry ubakoodu ugu intifaacaan oo uu noqdo goob ay kasoo baxaan dad Diin ahaan iyo Maadi ahaanba dhisan oo Umaddoodana waxtara.

Sidoo kale waxa xusidda mudan ayaa ah; in aanad intaad Iskuulka uun aad nala dhistay aanad naga tagin,balse ilaa maalintaas ilaa hadda aad marba baahidda lasoo derista aad wax nagala qabanaysay,taas oo runtii wax lagu farxo ah,dadkana haddii ay sidaadaas oo kale ay wado-ahaan lahaayeen runtii Bulshaddu horumar la taaban karo ayay gaadhi lahayd,waxaana laga gudbi lahaa caqabaddo badan oo dhaqan-dhaqaale oo maanta qeybaha Bulshadda si weyn u naafeeyay,una baahan wax-ka-qabashadooda,taasna runtii waan kuugu amaanaya,waanan kuugu dhiiri-galinayaa in aad halkaas sama-falka iyo wanaagga kasii waddo”.

Ismaaciilaw,saaxiib hadalkaas maalintaas uu macallin Cabdiraxmaan ku lahaa aabbo ilaa hadda kama baxo Maskaxdayda,waxaanan ka dhigtaa hal-beeg aan higsaddo si aan usii nooleeyo Sunnihii aabbo oo aan qeybaha Bulshadda an-na waxii awoodayda ah kala qeyb qaato hawl-nololeedkooda,isla-markaasna aan waxii dhibaataysan saaciddo,una kaalmeeyo,taas oo qof kasta oo sidaas sameeya uu aakhiro iyo adduunba liibaanayo.Waxa kale oo aan dad fara badan oo meelahaas ka hadla aan ka maqlay in haddii uu qofku ka shaqeeyo danta guud ee ay umaddu wada leedahay,ay taasi keenayso inay hagaagto danta gaar ahaaneed ee shaqsiga.

 

Tusaale ahaan;haddii aan maanta aan dhiso goob dan guud ah,taas oo aan ka dhigo Iskuul ama Cisbtitaal,waxa hubaal ah in dhamaan qeybaha Bulshadda oo dhammi ay wada manaafacaad-sanayaan,taas oo ka duwan in aan dhisto meel gaar ah oo uu an-niga uun igu kooban iyo afar qof oo qoyskayaga ah,waxaanad noqonaysaa Qof wax-u-qabtay kala badh Bulshadda oo ah inta tabaalaysan ee aan waxba haysan ee ay waayaha nolashu ku adagyihiin”.ayuu yidhi Axmed Isaga oo saaxiibkii Ismaaciil kolba Bad-weyn hirar iyi himilo wanaagsan u saaxiib ah dhex-dabaalsiinaya,waxaana ujeedka ugu weyn ee uu dhamaan hogo-tusaalayntaas u samaynayaa tahay sidii uu Ismaaciil u dareen-siin lahaa in uu nasiib-yeeshay inuu usoo gacan-galo Qoys ka garaabaya,isla-markaasna ku baraarugsan kaal-maynta dadka tabaalaysan ee u baahan gacan-qabashadda oo uu ka bogsan doono mustabalka dhaw dhib kasta oo lasoo darsay wakhtiyadii tagay ee uu kasoo maqnaa qoyskoodii iyo dhib kasta oo kasoo gaadhay Haweenayddii Eddada u ahayd Ismaaciil ee go’aansatay in inay dibadda u erido Wiil dhalaan ah oo Waalidkii ku aaminay,taas oo khatar weyn galisay nolashiisa iyo mustabalkiisaba.

 

 
Lasoco…………
W/Q: Mohamed Hassan Daacad