Reer iyo Reer…! W/Q: Ceelaabe

Afarta qodob ee  Haweenka loo Guursado laguna xusho oo kala ah Quruxda,Maalka,Qabiilka iyo Diinteeda,Qofba mid baa la weyn ama uu ka Fakiraa,Haddii aad lacagta ama Quruxda inta badan u Aqoonsan tahay meelaha isha lagu Hayo,Waxa kale oo Jira dad aad uga fekira Qabiilka iyo  Reerka ama beesha gabadhu ay ka soo Jeedo.Dad badan Ayaan reeraha qaarkood ka guursan ama Jecleyn in ay Hablo ka doonaan.Waxaad arkeysaa Dad leh Muxuu heystaa,Waanad Arkeysaa Dad Muuqa iyo Quruxda ka hadlaya,Mana arkeysid inta badan Dad Xaga diinteeda kugula talinaaya ama arintaasi xooga saaraya,Waxase aad u hadal heyn badan in markaasiba la soo ogaado,Gabadhu cida ama qoloda,Qoyska,Beesha ama bahda ay ka soo Jeedo, Sidaasi oo kale Ayaa wiilkana markaaba la ogaanaya.

Soomaalida kala tagtay,Kala irdhowdey ee Qabiilka iyo Qabyaalada isku Nacdey Ayaa waxa ka soo dhex baxey xitaa in reeraha qaarkood aaney kala guursan ama marka Dhalinyar iska calfato aaney si weyn ugu kicin.Waxaan Maqley Dumar leh Maantana ma reerkaasi Ayey nin iiga keentay aanaan isba gaadhin ama kuwii ugu yaryaraa,Waxa kale oo aan Maqley rag leh Maxaa ninka ku dhacey ee uu Dadkeenan la garanaayo uga guursan waayey ee u Geeyey Qabiilkaasi.Meeshii calaf iyo Dareen Jaceyl Ayaa yaala,hase ahaate Xulashadii iyo guurkii Ayaa la rabaa in uu kuugu saleysnaado Afartaasi diintu sheegtay mid ka mid ah.Dhinaca kale Bixinta hablaha iyo u guurinta xitaa inamada Ayaa ka soo go,da waalidka oo iyagu cida ay doonaan siiya ama u guuriya Caruurtooda,Waxaana meeshaa ku Jira in xitaa hablaha iyo inamaduba ay nolosha la wadaagi karaan qof aaney Jecleyn Qabiilkiisa ama Quruxdiisa ama Shakhsiyadiisa  hase ahaate Waalidku u gartey ama ku Qasbey.

Qabiilada qaarkood Ayaan kuuba tirsaneyn ama aanad jecleyn ama markaad ogaato in gabadhu tahay aad ka hadheysaa.Qaarna in aad ka guursato Ayaad jeceshahay,Rag baa ka guursadey Qabiilo aaney Jecleyn oo calafka iyo Jaceylku gacanta u galiyey ama inan laga siiyey la celin waayey.Hablo badan oo ku fekiri jirey inamo ay isku beel yihiin Ayaa reer la sameystey Rag ay in badan kala fog yihiin ama aaney weligeed ku hamiyi Jirin.Qabiilku meesha wuu ku Jiraa ,laakiin maanta waa la sii Fogaayey oo Xadkii Ayaa laga saarey meelaha qaarkood.Dad Qurux badan ama Dhaqaale wanaagsan heysta Ayaa lagu nacey ama dadka qaarkood ku diideen Qabiilkooda,Kuwo kale Xitaa qof diin leh Ayey ku Naceen beesha ama reerka uu ka soo Jeedo oo iyaga la yar ama la heyb sooco.

Qabiilku dad badan maanta wuxuu yahay mid ku xoogan,waxaana Jira reero xitaa halka ay ka gaadhen aan la soo dhex gelin iyagu uun iska dhex guursada ama kala doona hablaha oo kaba xanaaqa in la soo dhex galo ama gabadh la weydiisto,kuwo kale cidna kama guursato ama arimaha guurka iyo qorshaha reernimo rag badan uguma jiraan haddii aanu ninkaasi aheyn isla reerkaasi,arintaasi oo sababtey in iyaga oo qudhi iska dhex guursadaan.waxaana la soo maqley hablo lagu nacey Ninka soo dooney qabiilkiisa oo reerkoodu diidey ama wiil gabadh aan reerkooda laga  aqoonsan dul keenay reerkooda.

Dad baa aaminsan in Qofku beeshooda ka fogaado oo kuwo kale ka guursado si uu u noqdo Qof Caruurtiisa u sameeya Abti fog oo ay ku Xisaabtamaan ama gobol iyo Meel kale ama deegaan kale wax uga tara.Arintaasi oo wakhtiyada Colaadaha ama dagaalada noqota gabood lagu badbaado ama la magansado.Dad badan Ayaana aad ugu dhegsan in aaney wax macno ah ku Fadhiyin arintaasi oo ay ka saxsan  tahay in qofku Dadka uu garanaayo iyo Qabiilkiisa uun uu ka dhex guuursado,Nolosha iyo Waxa mustaqbalka dhacayaana aaney ku xidhneyn in aad ka fekirto in aad Cid ku Yeelato ama reer iyo Qabiil kale oo deegaan kale degan u dhaxdo ama ka qabto gabadh.

Waa dhab labada qof Ayaa wada noolanaya,Waa dhab Arsaaqada ilaahey Ayaa bixiya,Waana xaqiiqo Jirta in Qabiilka in la isku dhibo mooye ay yar tahay maanta bulshadeena dadka wax iskugu taraa,haddana waa carqalad iyo gidaar weyn oo kala dhex yaala dad badan ama la weydiinaayo.waana arinta keentay in aad aragto in Qabiilada qaarkood aad loo jecel yahay ama beelaha qaarkood gaar ahaan kuwa meel wada dega ama isku beesha guud ka soo Jeeda inta is fahantey ama isku xidhani ay aad iskaga dhex guursadaan.Dhaqanka,Xadaarada,Aqoonta,Maalka,Deegaanka,is Fahanka wada noolanshaha,Afka iyo Aragtiyaha nolosha laga qabo Ayaana qabiilo badan ugu wacan in ay xaga kala guursiga iskugu bataan ama iyaga oo Beel weyn ka soo wada Jeeda.

Waxa la Yidhaahdaa habluhu waxa ay isku xidhaan ama keenaan laba qabiil ama beelood oo kala duwan.waxaana halkaasi ka bilaabma xidhiidh  xididnimo mustaqbalka dano badan yeesha reerkaasi awgeed Maxaa Yeelay caruurta abtirsiinta Yeelaneysa ee ka dhex beermeysa.Dad badan Ayaana lagu kala badbaadiyey ama arimahooda lagu xaliyey iyada oo Hablo la isa siiyey ama la kala guursadey,waana dhab oo marka gabadh la idinka qabo ama la idin siiyo  waxa ay ka mid tahay arimaha keena xishoodka ama tixgelinta iyo dabacsanaanta heshiis ama wada socod.

Walaalo kala duwan,Aabayaal kala duwan,Hooyooyin,Asxaab,Dumaro kala duwan,iyo rag kala duwan Ayaa isku barta kuna walaalooba iskuna xidhma guurka ka dib.Laba ayaa  is guursaday ama la isku dhisey,laakin wax is bartey laba jilib ama qabiil ama laba reer oo kala duwan.ma waxa muhiim ah hadaba in laba qof is guursadeen mise waxa aad u xoog badan labada qabiil ee is bartey ama guurkani isku keenay.

Doorashada Qofka Yaa xaq u leh in uu go,aamiyo ma waalidka ma Qofka dhalinyarta ah ee guursanaaya.go,aanada guurka iyo sida lagu danbeyn doona waxa kula wadaagaya reerkiina iyo Qaraabada ama Asxaabta,Habeenka Arooskana waxa kula Jooga dad ka kooban Qeyb ka socota inanta iyo Qeyb kale oo mataleysa wiilka.Waana Xaflad kulmin doonta laba reer oo Mid kastaba midka kale iska Dhisaayo inta Awoodiisa ah.

Qabiilo Ayaa hablahooda la amaana lana Jecel yahay,Kuwo kale waa la dhaliila ama dadka ayaad ka maqleysaa ka joog,sidaasi oo kale Ayaa raga Qabiilada qaarkoodna lagu sheega sidaan Maqlo kuwo kala fudud ama xaga guurka iyo dumarku aaney wax dhib ah ku heynin halka qaar kalena aad ay uga fekiraan  una Arkaan nolol mustaqbal oo u baahan ka fiirsi iyo in aan la isku qaadin gabadh labaad iyada oo tii horeba aan waxba loo heynin.Dhowr qabiil oo aad isaga guursada marka bulshadeena somaliland laga hadlaayo Ayaana Jira,oo wada degan aan la kala garan hadana marar badan colaad iyo dagaal isku faro saara,waxaanad Maqleysaa waa dagaalkii u dhaxeeyey inan iyo abtigii.

Dad baa reer bariga ka hela,Kuwo kale Ayaa galbeedka Jecel,Kuwo kale Ayaa isla beeshooda ama jilibkooda ama isla Qaraabada sida inaabti ama habarwadaag aan kaba fogaan oo  gacanta laga geliyaa.Fikrad kale oo aan Maqley Ayaana ah in reeraha ama Jilibada qaarkood aaney iyagu isba dhaafin oo aabaha iyo Hooyaduba isku jilib yihiin Macaa caruurtooda iyo Qaraabada marka lagu darana ay ka soo wada Jeedaan Beel ama qoys ama reer isku heyb iyo Qabiil ah.laakiin lama diidi karo kuwa danaha ku saleeya guurka sida Dhaqaalaha ama dhoofka iyo dibadaha oo aan eegin cida uu yahay ama diintiisu sida ay tahay.

Colaad ama dhib mustaqbalka ka dhex qaraxda labada lamaane ayaana sababta in ay u gudubto labadii qabiil oo halkaasi ku kala taga marar badan.Sidaasi oo kale Ayaana colaadaha qaarkood laguba Joojiyaa bixinta hablo la kala guursado.Gabadhuna waa reerka ay u dhaxdey lagana guursado.Isku soo duub Qofkaa aad diinta ku xulatay Ayaa ugu wanaagsan,Laakiin Qabiilkuna meesha ka bixi maayo.