Reer Gabiley Gob Mise Gun?

 

Sitimaan-kii Tagay Dhagaha Ummadda Waxa Ku Soo Dhacayay Dhacdo Wareedyo Laga Soo Tabinayo Degmada Gabiley Oo Ku Salysan Masuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Lagala Hortagay Mudaharaad Waa Sida La Sheegaye Waxaase Dhacdo Ugub Ah Noqotay E’y la Sheegay In Loo Soo Huwiyey Calanka Xisbiga Waddani Kaas Oo Aan Ahayn Sharafta Shacbiga Gobta Ah Ee Somaliland Taasi Oo Ay Jirto Ayaa Misana Waxa Muuq-bahiyayaasha Ka Soo Baxay Dhalinyaro Ku Taamaysa In Waddani Aanu Ka Furan Ka Rin Xafiisyo Degmada Gabiley. Ayaandardu Se Waxay Dhacday Markii Hadana Haween Ku Hadlaya Afka Xisbiga Kulmiye Ay Ka Soo Muqdeen Shaashadaha Isla Markaana Qirsan Inay Falkan Ka Danbeyeen, Xisbiyada Mucaaridka Ahina Ay Gabiley Ka Yihiin Nijaas. Hogaanka Sare Ee Xisbiga Iyo Xukumadu Kamay Hadalan Amuurtan Waxaanay Cadaynaysaa In Ay Tabac San Yihiin Kana Danbeyeen Falkan.

_______ XASUUSIN______

Gabiley Waxa Hore Uga Dhacay Fal Kan La Mid Ah Kaasi Oo La Arkay Dhalinyaro Calanka Xisbiga. Kulmiye Kabaha Iskaga Masaxaya Arinkaas. Xukumaddu Way Ka Gubatay Waxay Sabab Tay In Xabsiga Loo Taxaabo Wariyihii Xogtaas Baahiyay, Dhalinyaradiina Daba Gal Lagu Sameeyo. Waa Yaabe Labada Amurood Miyaanay Isku Mid Ahayn Maxaa Kala Duway Ilayn Labada Calan Waa Isku Xaq Iyo Xuquuqe, Maxay Se Uga Hadli Wayday Dawladu. Astaanta Iyo Calamada Asxaabtu Waxay Leyihiin Karaamo Cidii Falkaas Samaysay Ama Ka Danbaysay Waa Ashkhaas Ka Soo Horjeeda Jiritaanka Iyo Wada Noolasha Ha Shacbiga Xariirta Ah Ee Somaliland. Reer Gabiley Na Waa Shacab Gob Ah Meeqam Serena kaga Jira Bulshada Somaliland Balse Ay Ku Jiraan Maan Gab Aan Feker Tolmoon Lahyn, Xisbiga Waddani Waxa Ka Sharaxan Musharax Utaagan Tartanka Murashaxnimada Madaxweyne Nimo Oo Ka Soo Jeeda Gabiley Gen. Maxamed Jidhif Kana Dhex Tartamaya Shirka La Sugayo Ee WADDANI, Murashaxiin Kalena Way Jiraan Oo Aan Is Shaacin Oo Gabiley Ka Soo Jeeda Hogaanka Sare Ee Xisbiguna Badi Waa ReerGabiley, Xisbiguna Waa Xisbi Qaran Oo Lawada Leeyahay Kuna Shaqeeya Rabitaanka Shacbiga.

_____ GUNAANAD_____

Waxba Yaanu Qalinku Ila Sii Durkine Waxaan Ku Soo Ururinayaa In La Dhawro Qiimaha Qaranka Somaliland Lagana Fogaado Wixii Wax-yeelo Ukeeni Kara Qaranka Ama Sumcad Xumo. Tageeraysha Xisbiga Waddani Meel Kasta Oo aay Jogaan Waxaan Ku Borinayaa In Aanay xamaasadu Qaadin Jawaabna Aysan Ka Bixin Falkaas. Xukumada Somaliland Waxaan ugu. Baqayaa Inay Wax Ka Qabato Amuurtan Si Aanay Unoqon Mid Sii Socota Oo Maalinba Wafdi Lala Beegsado. Gobeeey Licoo Ha Jabin.

 Wa Bilaahi Tawfiiq

Qalinkii: Daa’uud Maxamed Ibraahim