Real Madrid oo Markii 10aad Hanatay Horyaalka Qaaradda Yurub ‘Champions League’ (SAWIRRO)

Kooxda Real Madrid ayaa hanatay horyaalka qaarada Yurub ee Champions Laegue kadib markii ay ku durdurisay kooxda ay isku magaalada Yihiin ee Atletico Madrid oo ay kaga adkaatay 4-1 ciyaartii adkayd ee caawa ka dhacday garoonka  magaalada Lisbon ee wadanka Portugal.

2Atletico Madrid ayaa qarka u saarnayd inay guusha hanato kadib markii ay ciyaarta intii badnayd ku hogaaminaysay Gool madax ah oo uu qaybtii hore ee ciyaarta shabaqa dhigay laacibka difaaca ah ee Diego Godin,90 kii daqiiqona ku dhamaadeen 1-0 kaas, laakiin 5 daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayaa u suurto galliyey Real inay la timaado goolkii barbar dhaca daqiiqadii 94 aad ee ciyaarta, kaas oo uu madaxa ugu dhaliyey ciyaaryahanka difaaca ah ee Sergio Ramos.

1Real Madrid markii ay ka badbaaday guuldaradaas , waxay ka faaiidaysatay 30 kii daqiiqo ee lagu daray ciyaarta, oo ay qaybtiisii dambe la yimaadeen 3 gool oo ay u kala dhaliyeen , Bale , Marcelo iyo ugu dambeyntii gool rigoodhe ahaa oo uu shabaqa dhigay Cristiano Ronaldo.

Tababaraha mucjisada noqday ee reer Argentina Diego Simeone ayaa ku sigtay inuu noqdo tababarihii saddexaad ee aan u dhallan qaarada Yurub ee Hantiya Horyaalka Yurub , hadii uu badin lahaana uu raaci lahaa tababarayaasha Luis Carniglia (Real 1958 and 1959) iyo Helenio Herrera (Inter Milan 1964 and 1965).

Horyaalkan xallay ciyaartiisii u dambeysay la ciyaaray, ayaa ahaa kii 59 aad ee tan iyo markii la bilaabay horyaalka naadiyada Yurub, xili ciyaareedkii 1955-56.

Real Madrid ayaa ku guulaysatay shanti horyaal ee ugu horeeyayba, waxaanay haysataa rikoodhka naadiga ugu guulaha badan, iyadoo hanatay marka lagu daro koobkan 10 horyaal oo champions League ah.

Xigasho: Cadalool Sports