Raysalwasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay Liiska Golihiisa Wasiirrada oo badankoodu ku Cusub yihiin Saaxadda Siyaasadda

Muqdisho (SLpost)- Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa caawa ku dhawaaqay Liiska Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa oo ka kooban 20 Xubnood oo rag iyo Dumar isugu jira, kuwaas oo u badan dhalinyaro ku cusub saaxadda Siyaasadda.

Golaha Wasiirrada Cusub ee Raysalwasaaraaha Soomaaliya caawa ku dhawaaqay, ayaa noqonaya kuwii labaad ee uu bishan gudaheeda magacaabo, isaga ooh ore u kala diray Golaha xukuumaddiisii hore ee uu horaantii bishan magacaabay todobaad kaddib markii xilka raysalwasaare loo dhaariyey, isaga oo cambaareyno iyo dhaliilo kala kulmay xubno dawladihii hore la soo shaqeeyey oo ku jiray Golihiisii hore ka koobnaa 60 xubnood oo isugu jiray wasiirro, wasiirul-dawlayaal iyo wasiir ku-xigeenno, waxaanu markii dambe ku qancay inuu kala diro ka hor intii aanu hor-geynin Baarlamaanka dalkaas.

GOLAHA WASIIRADA

In kasta oo xubnaha cusub ee Wasiirrada ah intooda badnai ku cusub yihiin saaxadda Siyaasadda, isla markaana la filayo inuu raysalwasaaruhu magacaabo wasiirul-dawlayaal iyo wasiir ku-xigeennadii oo hadhsan, haddana waxa ka horreeya oo golihiisa cusub sugaya Kalsoonida Baarlamaanka dalkaas.

SOMALILANDPOST.NET