Moscow, 26 February, 2012 (SLpost)- Raysal wasaaraha dalka Ruushka Mr Vlamadir Putin ayaa cabsida iyo shakiga ay dawladaha reer galbeedku ka muujinayaan barnaamijka Niyukliyeerka ee dalka Iran, ku tilmaamay inuu yahay mid marmarsiinyo ah oo ay ku doonayaan in ay burburiyaan nidaamka dawladeed ee ka dhisan dalka Iran.
Mr Putin waxa kale oo uu sheegay in dawladda Ruushku is hor taagi doonto qorshe kasta oo ay wataan dawladaha reer galbeedku ee ku wajahan sidii ay u burburin lahaayeen dawladda ka jirta dalka Iran.
Geesta kale, Mr Putin waxa uu eedeyn u soo jeediyey hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan quwadda atoomikada ee magaceeda loo soo gaabiyo (IAEA), isagoo ku sheegay inay u xuub-siibatay fulinta danaha dawladaha reer galbeedka oo ay ka tagtay Hay’ad caalamka u dhaxaysa.
Hadalkan Mr Putin ka soo yeedhay waxa uu ka dembeeyey markii wafti ka socda hay’adda Qaramada Nidoobay u qaabilsan quwadda Atoomikada ka soo laabteen dalka Iran, iyagoo sheegay in loo diiday inay goobo milatari booqdaan.
SomalilandPost.net
contact@somalilandpost.net