Raysal-wasaaraha dalka Kenya oo qaabilay wefti ka socda Somaliland (VIDEO)

Nairobi (SLpost)- Raysal-wasaaraha dalka Kiiniya Mr. Raila Odinga ayaa xafiiskiisa magaalada Nairobi ku qaabilay Wasiirro ka socda Somaliland oo maalmahanba booqasho ku joogay dalkaas.

Kulankan oo ay dhanka Somaliland u metelayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X. Xasan iyo Danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Sifir), waxa la sheegay in lagaga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada dal iyo dardargelinta xidhiidhka is-kaashiga, nabad-gelyada mandaqada geeska afrika.

Sidoo kale, waxa la sheegay inay labada dhinac kulankoodaasi kaga wadahadleen xidhiidhka isu-socodka Safarrada Masuuliyiinta labada dal, iyada oo dhawaan uu dalka Kenya booqasho ku tegi doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo martiqaad rasmiya ka helay Ra’iisal Wasaaraha Kenya Md. Raila Odinga, isla markaana lagu wado inuu taas bedelkeeda booqasho ku yimaado dalka Somaliland Ra’iisal Wasaaraha Kenya Raila Odinga, taasoo xoojinaysa wada-shaqaynta iyo is dhex-galka labada dal.

Ka dib markii toddobaadkii hore wefti uu hogaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland booqasho rasmiya ku tageen dalka Djibouti, ayaa kulamo ay masuuliyiinta dalkaas la yeesheen ka dib waxa uu Madaxweynaha Djibouti ku dhawaaqay in Baasaaboorka Somaliland lagu gali karo dalka Djibouti. Sidoo kale, wadahadalka ay Wasiirrada Somaliland ka socday shalay la yeesheen Ra’iisal Wasaaraha Kenya, waxa laga dhadhansan karaa talaabooyin diblomaasiyadeed iyo xod-xodasho aqoonsi loogu raadinayo Baasaaboorka Somaliland. Sidaa daraadeed, booqashada Madaxweyne Siilaanyo Kenya ku tago ka dib, hadii ay taasi rumawdo, waxay noqonaysaa guul horumar leh.

SLpost News/Hargeysa