Rashid Ali Architects: Hargeysa oo laga hirgleliyey Shirkad bixinaysa Adeegga Naqshadaha Dhismayaasha oo Heer Caalami ah

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa waxa laga furay Shirkad bixinaysa adeegyada Naqshadaha Dhismayaasha casriga ah taas oo laan-qaadaysa hannaanka Caalamiga ah ee shirkadaha adduunku u u dejiyaan naqshadaha magaalooyinka, goobaha ganacsi iyo guryaha.

rashid architect4

Shirkadda oo lagu magacaabo Rashid Ali Architect oo muddo 10 sanno ah farsamada adeeggan kaga soo shaqaynaysay Dalka Ingiriiska, isla markaana ay hoggaaminayaan Aqoonyahanno jaamacado dalka dibaddiisa ah ku soo bartay Xirfadda, ayaa farac cusub ka furatay magaalada Hargeysa.

 

Xarunta shirkadda ee Somaliland oo ku taala badhtamaha Caasimadda, waxa habeen hore lagu qabtay munaasibad lagu shaacinayo furitaanka Xafiiska, halkaas oo ay goob-joog ka ahaayeen, masuuliyiin, Aqoonyahanno, Qurbe-joog, Ganacsato iyo marti-sharaf kale.

rashid architect3

Ugu horeyn waxa munaasibadda ka hadlay Mulkiilaha Shirkaddan bixinaysa Adeegyada farsamada Naqshadeynta Guryaha ee Casriga ah Eng Rashiid Maxamed Cali oo faahfaahin ka bixiyey sababaha ku dhiirri-geliyey inay xafiiska ka furtaan Somaliland iyo waxa ay shirkad ahaan kaga duwan yihiin shirkadaha adeeggan oo kale bixiya ee ka jira dalka. Waxa kale oo uu sharraxad ka bixiyey adeegyada kala duwan ee shirkaddoodu u qaban doonto bulshada.

 

“Shirkaddan oo ilaa toban sannadood kaga soo shaqaynay UK, ayaanu halkan ka furaynaa. Waxa nagu dhaliyey oo aanu mar walba ka fekeri jirnay sideebaad aqoontiina aad barateen wax ugu qabataan dalkiina,” Sidaas ayuu yidhi Eng Rashiid Maxamed Cali.

rashid architect

Isagoo ka hadlayey adeegyada ay shirkad ahaan qabtaan waxa uu yidhi, “Waxyaabaha aanu qabanno waa naqshadaynta dhismaha (Artchitect) oo kala duwan. Naqshadayntiina dadku waxay u yaqaanaan Guryaha waaweyn, balse wuxuu noqon karaa Kursi, Miis, meelaha Qorraxda laga hadhsado marka baska la sugayo, dib-u-habaynta iyo naqshadaynta dhismayaasha ganacsiga iyo xafiisyada. Waddankeennu wuxuu u baahan yahay dhul dan guud ah oo dadku isugu yimaaddaan, kuwaasna waanu ka shaqaynaa.”

 

Sidoo kale, waxa munaasibadda ka hadlay masuuliyiin ka socda shirkadaha waaweyn ee dalka, kuwaas oo dhammaantood soo-dhaweeyey adeegyada casriga ah ee shirkaddani ku soo kordhisay dalka, waxaanay u ballan-qaadeen inay dhinacooda ka mid noqon doonaan macaamiisha shirkadda isla markaana ka faa’idaysan doonaan adeegyadeeda.

 

Ganacsade Jaamac Rooble oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay horumarka dalka u leeyihiin in dalka gudihiisa laga hirgeliyo shirkado adeegyada ay bixinayaan la-jaan-qaadayaan farsamooyinka casriga ah ee Caalamka laga isticmaalo.

rashid architect2

“Dalku wuxuu u baahan yahayn qaybahaas oo soo la soo kordhiya oo is-biirsada, kuwaas ayaana had iyo jeer horumarka keena,” Sidaas ayuu yidhi Ganacsade Jaamac Rooble.  

 

Maxamed Muxumed Faarax oo ka socday Shirkadda Telesom ayaa isaguna yidhi, “Waxaynu u baahannahay inaynu wax u dhisanno sida caalamku wax u dhistaan, si dhismaheennu tayo u yeesho, markaa aad baan ugu mahad-celinayaa Aqoonta ay walaaladeen soo kordhiyeen, markaa waanu soo dhaweynaynaa qolayahaga dhismayaasha si wanaagsan ayaan idiinla shaqayn doonnaa.”