RAMADAANTA IYO RAMADKEEDA – Qalinka: Guuleed Cumar Madar (Qaybta 1aad)

guuleed MadarMacnaha bisha barakaysan ee Ramadaan marka aynu ku qeexayno luuqadda uu ka soo jeedo erayga “Ramadaan” ee luuqadda af-carabiga waa: in aad ka joogsato dhamaan wixii aad fali jirtay af iyo adinba .

Diinteena islaamka waxa ay aad uuga warantay bisha barakaysan ee Ramadaan, waxa ayna sharci ahaan tahay ” in aad joojiso cunnada , cabitaanka , laga bilaabo saqda dhexe marka uu cirku caddaado adiga oo aaminsan niyaddana ku haya inaad dar ilaahay(S.W.T) u soomantahay, ilaa laga gaarayo waqtiga ay godka gasho cadceeddu”.  Kaliyaata maaha Ramadaan in aad ka soonto cunnada amaba cabitaanka ee waa in aad ka soonto xataa hadalka aan khayrka ahay , dheeldheelka , kaftanka, fiirsashada cayaaraha ,dhagaysiga heesaha,siyaasadda,xanta ,u raxlaynta bini-aadmiga , waxa uu ilaahay (S.W.T) qur’aankiisa kaga waramay  “فَكُلِي وَاشْرَبِي وَقَرِّي عَيْنًا فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ الْبَشَرِ أَحَدًا فَقُولِي إِنِّي نَذَرْتُ لِلرَّحْمَنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ الْيَوْمَ إِنْسِيًّا Aya-26.” isaga oo ku tilmaamay ilaahay (S.W.T) soonka xataa hadalka in laga soomo, saan hore u soo sheegnay.

Waa tiirka afarraad ee tiirarka islaamka  , waxa laynagu faral yeelay bishii “shacbaan” sanaddii labbaad ee “hijrada” rasuulku (N.N.K.H) ka hijrooday makkah uuna hijrooday madiina .Waxa uu rasuulku (N.N.K.H) aad inoogu booriyay in aynu u guntanno bisha Ramadaan ka faa’iidaysigeeda .

Bisha Ramadaan waxa ay dheertahay bilaha kale astaamo fara badan , ku waas oo uu rasuulku (N.N.K.H) sheegay من صام رمضان ايمانا واحتسابا، غفر له ما تقدم من ذنبه، ومن قام ليلة القدر إيمانا واحتسابا، غفر له ما تقدم من ذنبه. رواه أبو هريرة” Qofka sooma iimaan leh una diyaar garoobay, waxa uu alle (S.W.T) ka dhaafaa wixii damdi uu hore u soo falay, qofka u kaca habeenka qadriga iimaan leh una diyaar garoobay, waxa uu ka dhaafa alle (S.W.T) wixii dambi uu hore u soo falay.

Waxa uu waliba ka warramay markale rasuulku (N.N.K.H)isagoo yiri:”أتاكم رمضان شهر مبارك فرض الله عز وجل عليكم صيامه، تفتح فيه أبواب السماء، وتغلق فيه أبواب الجحيم، وتغل فيه مردة الشياطين، لله فيه ليلة خير من ألف شهر” Waxa idiin bilatay bil barakaysan , oo alle (S.W.T) idinku waajib yeelay inaad soontaan,waxa la ballaqayaa albaabada samada , waxa la xidhayaa albaabada naarta, waxaa la xidhayaa shayaadiinta, walaahi baan ku dhaartee :”waxaa ku jira habeen ka khayr badan kun(1000) bilood” rasuulka (N.N.K.H) ayaa dhaartaa ku dhartay.

Soonka waxa uu leeyahy labo(2) tiir oo kala ah: af-xidhananta aad ka af-xidhantahay cunnada iyo cabitaanka iyo niyada.

Cidda uu ku waajibayo soonku waa ; Qofkasta oo caqli leh ,qaan-gaadh ah,oo islaama.

Waxana uu ku ansaxayaa soonku qofka wax kala garanaya , caqliga u saaxiibka ah, aan waalnayn macnaha,haweenayda aan lahayn caaddada ama dhiiga dhalmada . …..La soco qaybaha dambe.

Qalinkii: Guuleed Cumar Madar.

Guuleed_madar@hotmail.com

Frankfurt, Germany