Ramadaanta iyo Ramadkeeda! (5aad) – Diyaarintii: Guuleed Cumar Madar.

guuleed MadarWaxaynu wali ku gudo jirnaa barashada aqoonta ay leedahay bisha barakaysan ee ramadaan , waxaynu qoraalkanna wax ka iftiimin doonnaa waxyaabaha gafka ah ee ay dadku falaan bishan dhexdeeda , aad ayay u badan yihiin inta qalad ee ay aadamuhu sameeyaan inta lagu gudo jiro bishan barakaysan, dhawr qalad ayaynu ku soo qaanaynaa , waxana ka mid ah qaladaadkan hoos ku xusan .

A- Ka hor bishu intaanay bilan qaladaadka dhaca.

1- Dadka qaar ayaa aaminsan in bishan ” shacbaan ” ayaamaha uugu dambeeya in aan la soomi karin , laga yaba in soon lagu lahaaba , waana la soomi karaa .

2- Waa inaanad aaminin in maalinta uugu dambaysa bisha ” shacbaan” ee labatan iyo sagaalka (29) ay tahay maalin shaki.

3- waa in aanad dhaafin hadii maalinka uugu horreeya soonku uu kugu dhaafay shaki oo aad qallaysaa , waxana fiican inaad soonto maalinkaa shakiga hadii loo bato inay ramadaan tahay.

B- Soo dhawaynta ramadaanta , qaladaadka dhaca.

4- Dadka qaar ayaa dhibsada kana xumaada soo galitaanka bisha barakaysan iyagoo uuga xumaanaya inay ka joogsanayaan ” cabitaankii sigaarka , balwadihii kala duwanaa , fadhiisiga maqaaxiyaha aan khayrka lahayn”.

5- Dadka qaar ayaa bishan ku soo dhaweeya qiiro aad u badan oo aad uuga waynaysiiya bishan bilaha kale, bilaha kalana dayaca cibaadada , una haysat in alle (S.W.T) bishan uun la caabudo.

6- Waxa dhacda in aqoon la’aan lagu cibaadaysto bishan , oo qofku sida ay la noqoto isagoon aqoonta bishan baran uu u cibaadaysto .

7- Waxa dhacda dadka qaar in ay bishan barakaysan u samaystaan heeso iyo musig kala duwan oo ay ku soo dhaweeyan , iyagoo aaminsan inay cibaado tahay.

8- Waxad dhacda dadka qaar inay bishan bilawgeeda xisaabta falaga uun ku gaabsadaan kuna soomaan, kana kaaaftoomaan aragga bilashada bishan barakaysan.

9- Waxa qalada in aad ku soonto uun kuna afurto makkah iayadoo la soomi karo lana afuri karo meeshii bisha laga arkaba.

10- Waa qalad inaad safar u baxdo bisha barakaysani marka ay bilato , adoo u dan leh inaad soonka kaga meeraysato.

11- Waxa qalada inaad iska cunto maalin maalmaha bisha ramadaan ka mid ah , adiga oon cudur-daar haysan .

12- Waa qald in uu waalidku dhayalsado caruurta oo aanu ku barbaarin cibaadada soonka , iyaga oo uuga gaabinaya inan soonku ku waajib ahayn caruurta , waxana mudan in lagu barbaariyo caruurta cibaadada soonaka.

13- Waa qalad gabadhu in ay iska afurto iyada oo ka daahirsatay dhiiga caadada , balase aan waqtigeedii u dhamaystirmin , daahirna ay tahay . Inay soonto weeyaan mar hadii ay dahaara qaadatay , waqtiga sugimayso.

14- Waxa qalada in gabadha uurka lihi iska cunto iyada oo awoodaysa soonka , haddii uu dhib ku yahay ama talo ahaa uu u siiyay dhakhtar muslin ahi ina aanay soominna waa ay iska cuni kartaa . Qalle ayaa lagu leeyahay marka ay awoodo.

15- Waxa qalada qofku ina uu soonka uun awooda saaro salaadana dhayalsado.

16- Waxa qalada in aad salaad ilaaliso bisha ramadaan oo kaliya , marka ay dhamaantana aad iska dhaafto.

17- Waxa qalada in hurdo uun aad ku dhamaysato maalmaha ramadaanta , adoo is dhaafinay daalka iyo gaajada , hudrdadaas oo ay kugu dhaafayaan salaada duhur iyo salaada casar.

C- Suxuurta iyo qaladaadka dhaca.

18- Waxa qalad ah in aad aaminto in maalinka uugu horreeya uun aad wada niyaysato xidhashada soonka , habeen walba, waa in aad niyaysataa in barri aad soomayso , suxuurtuna waxa ay kuu fududaynaysaa inaad qalbigaaga u soo xaadiriso inaad soomayso bari maalin kamida maalmaha ramadaanta.

19- Waxa qalada inaad suxuur la’aan soonto ama aad hor mariso , oo aad fiidka sii suxuurato.

20- Waa qalad in aad ku dhawaaqdo xidhashada soonka adiga oo leh ” nawaytu sawm” nabiga naxariis iyo nabad galyo kor kiisa ha ahaatee kamay sugnaan iyo asxaabtiisaba ilaahay haka raali ahaadee .

21- Waa qalad gabadha aaminsan inaan soon lagu lahayn maalinka uu suxuurta ka hor ka joogsaday dhiiga caadadu , iyadoo cudur-daar ka dhiganaysa inayna maydhan , maydhashaduna shardi uma aha in aad soonka uuga baaqato………. Ilaahay siduu khayrku ku jiro hayna waafajiyo.

Lasoco qaybaha dambe .

Qalinkii: Guuleed Cumar Madar.

Guuleed_madar@hotmail.com

Frankfurt , Germany