Ramadaanta iyo Ramadkeeda! (4aad) – Diyaarintii: Guuleed Cumar Madar.

Waxa uu ka kooban-yahay sannadku (12) laba iyo toban bilood, bishani waxay ka mid tahay bilaha ugu barakada badan, waxa ayna dheertahay bilaha kale, astaamo faro badan oo Axaadiista Rasuulka (N.N.K.H.A) iyo Qur’aanka Kariimka ahba ku soo arooray. Kuma soo koobi karno qoraalkan, balse inta karaankayga ah ayaan maanta ku soo gudbin doonaa Qormadan.

 

guuleed MadarWaa xikmad Alle (S.W.T) in Aadamuhu kala karaamo bato, goobuhu kala barako badnaadaan, sidoo kale biluhuna kala fadli iyo karaamo bataan. Bishani waxa ay kaga fadli iyo barako badantahay bilaha kale astaamahan hoos ku xusan:

1-      Waxa la furaa alabaabada Jannada, sida uu inoo sheegay rasuulkeenu (n.n.k.h.a). Axaadiis kala duwana ay ku soo wariyeen asxaabtii Rasuulku Alle (s.w.t) haka raali ahaadee.

2-      Habeenka ugu horreeya bishan Ramadaan waxa la xidhaa dhamaan albabada Naarta, Shayaadiinta.

3-      Wwaxa la dhaafaa dunuubta wixii aan ka ahayn dunuubta waawayn, sida shirkiga iyo wixii la mida.

4-      Qofka cimraysta bishan Barakaysan abaalmarinteeda waa la libin laabaa.

5-      Bishan waxa soo dagay Qur’aanka Kariimka ah.

6-      Waxa ku jira habeenka qadriga, oo ka khayr badan kun habeen.

7-      Waxa ay leedahay bishan oo la tukadaa la oogaa waqtiga salaada cishe ka dib salaad loo yaqaano “Taraawiix”.

8-      Bishan waxa ay leedahay cibaado loo yaqaano “ictikaaf”, oo ah in aad dar Illaahay u gasho masjid ood ku sugnaato muddo cayiman adoo niyaysanaya cibadadan .

9-      Waa bisha aadka loo dadaalo ee la barto qur’aanka kariimka ah , sida ka sugnaatay rasuulkeena (n.n.k.h.a) waxa uu la kulmi jiray habeen wal oo Ramadaan ah Malaku Jibriil.

10-   Waa bisha wax la baxsado “Sadaqada” waxa uu sheegay rasuulku (n.n.k.h.a) qofka qof sooman quudiya inuu leeyahy ajarkiisa oo kale , iyada oon qofka sooman ajarkiisa waxba laga nusqaamin… La soco qaybaha dambe .

Qalinkii: Guuleed Cumar Madar.

Guuleed_madar@hotmail.com

Frankfurt, Germany.