Ramaax oo ka Warbixiyey Heshiishkii Diridhaba Sheegayna in uu Shaqada ka Joojiyey Isuduwihii Ciyaaraha ee G.Awdal.

 

Awdal(SLpost)-Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax  oo ka soo laabtay safar ay Somaliland Heshiis kula soo sexeexanaysay Deegaanka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobuya oo u wareemayey saxaafadda ayaa lka waramay arimo door ah oo ay ka mid yihiin Shirkii Diridhaba iyo xaaladda gobolka Awdal.

 

Badhasaabka oo ka hadlaya Shirkii Somaliland la gashay Ethiopia ayaa waxa uu sheegay “Hawl toos noo khusaysa ayey ahayd shirkaasna waannu ka qayb galnay, waxyaabihii aannu wadanayna wax badan ayaa noo hir galay taas ah in meel looga soo wada jeedo xoojinta nabadgalyada labada dalna iska kaashadaan gaar ahaan killalka shanaad iyada oo dawladda fedaraalka Itoobiya-na nagala soo qayb gashay shirka, killalka shanaad oo aynnu leenahay xuduud dheer oo ay dad walaal nahayna dagan yihiin guul ayaannu kala kulannay shirkaas waxaanan filaynaa inaynu wax badan ka faa’idi doono”

 

Ramaax oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa ku dhawaaqay inuu shaqo joojin ku sameeyey isuduwihii wasaarada ciyaaraha ee gobolka Awdal, isaga oo ku eedeeyay in uu ku kacay talaabooyin ka hor imanaya maamulka, waxaana uu yidhi “Dadweynaha reer Awdal, maamulka heer gobol iyo degmo waa inaan u diyaargarawno ciyaarihii in ay wakhtigii loo qoondeeyay ku qabsoomaan, guddidii aan u magacaabay sideedii ayey u jirtaa, waxa kaliya ee aan cadaynayaa inaan shaqo joojin ku sameeyey isuduwihii wasaaradda ciyaaraha ee gobolka kaas oo ku kacay talaabo aan waafaqsanayn maamulka, isaga oo daadifeeyey guddidii aannu magacawnay isla markaana wax xidhiidh ahna nagala soo samayn. Wasaarad ahaana waa hawl qaran oo intaas oo meelood ayaa la casuumayaa annaga oo ku shaqaynayna siyaasaddii waxaan saacadaas laga bilaabo shaqo joojin ku sameeyey isuduwihii hawshuna sideedii ayey u soconaysaa” Sidaas ayuu yidhi Badhasaabku.

 

Mudane Ramaax oo wax laga waydiiyey xafiiskii hore oo uu si ku meel gaadh ah uga soo wareegay ayaa sheegay in aannay dhibaato kale jirin ee ay doonayaan in ay dhistaan xafiis qurux badan.