Rai’sal wasaarihii hore ee Israa’iil Ehud Olmert Xabsi Lagu Xukumay

Israa’iil(SLpost)-Rai’sal wasaarihii hore ee Israa’iil Ehud Olmert, ayaa lagu xukumay 18 bilood oo xabsi ah, wuxuu arrintaasi ku mutaystay laaluush.

Maxkamadda hoose ee Israa’iil ayaa Olmert lix sano ku xukuntay 2014-kii, laakiin maxkamadda sare ayaa hadda ka yaraysay wakhtiga.

Todobaatan jirkan waxaa lagu helay dambi uu dhismoyaal la xidhiidha oo dhacay markii uu ahaa duqa magaalada Qudus, kahor inta uusan noqonin Rai’sal wasaare 2006-dii.

Olmert oo is casilay 2009-kii wuxuu noqondoonaa nin kii ugu horeeyay ee xabsi gala isaga oo soo hogaamiyay xukuumadda Israil.

Xabsigiisu wuxuu bilaaban doonaa 15 bisha labaad ee sanadka fooda inagu soo haya ee 2016.