Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Uganda Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Kampala, (SLPost)- Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Ugandha, Amama Mbabazi ayaa la xidhay, ka dib markii lagu eedeeyay inuu abaabulay isu soo baxyo, waxaana lagu hayaa deegaanka Njeru ee badhtamaha dalkaasi.Uganda PM

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in loosoo kexaynayo magaalada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha.

Mr. Mbabazi ayaa hore waxaa looga digay inuu qabto isu soo baxyo, kuwaasoo uu ku muujinayo rabitaankiisa inuu qabto xilka madaxweynaha dalka Uganda, waxaana xqiijiyay xadhigiisa la-taliyaha gaarka ah ee Mr Mbabazi.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa muddo haya xilka madaxtinimo, laakiin Mr Mbabazi ayaa tilmaamay inuu doonaayo inuu Musaveni bedelo.