Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Oo Xoghayaha Qaramada Midobay Ku Tilmaamay Mid Argagixisada Dhiiri Galiya

Us(SLpost)-Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku eedeeyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu dhiirigelinayo argagixisanimada, ka dib markii uu Mr.Ban Ki Moon sheegay in wax dabiici ah tahay in Falastiiniyiinta ay iska caabiyaan qabsashada.

Ban Ki Moon oo la hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhaliilay qorshaha Israa’iil ay deegaannada cusub kaga dhiseyso Daanta Galbeed, waxaana uu sheegay in taasi ay tahay tallaabo gardaro ah oo shaki gelineysa xalka ku saleysan labada dal.

Xoghayaha ayaa cambaareeyay weerarrada ka dhanka ah rayidka Israa’iil, balse waxa uu sheegay in tallaabooyin ammaan oo keliya aanay joojin doonin rabshadaha.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo hadalkaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in mar hore ay Qaramada Midoobay lumisay dhex dhexaadnimadeedii.