Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Oo Sheegay in aannay Saxaafadda Cabudhin

Haile Mariam Desalegn

 

Addis Ababa(SLpost) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa u sheegay BBC in aanu ka cabsaneynin dhaleeceyn kaga timaada weriyayaasha,inkastoo dalkiisa dhanka sumcada xoriyatul qowlka ay tahay mid la dhalliilo.

 

“Saxaafada xorta ah waxa ay si aad ah muhiim ugu tahay hannaanka dimuqraadiyadda iyo horumarka,” ayuu yidhi Hailemariam Desalegn.

 

Waxa uu ku adkeystay in weriyayaal iyo dadka boggag ku leh goobaha ay bulshada ku wada xidhiidhaan ee lagu xidhay dalkiisa sanadkii hore aannay aheyn weriyayaal dhab ah ayna xidhiidh la leeyihiin argagaxiso.

 

Waxaa la laalay eedeymo aragagaxiso oo ka dhan ahaa dad bogogga bulshadu ku wada xidhiidho warbxinna ku soo qori jiray oo loogu yeedho Zone 9.

 

Shan ka mid ah ayaa la soo daayay bishii July, kaddib markii in ka badan sanad ay ku jireen xabsiga ka hor booqashadii Barack Obama ee Afrika, afar kalana waxa ay maxkamad ku weyday eedo aragagaxiso bishii la soo dhaafay.

 

Bogga kooxda Zone 9 ayaa waxa ay daabaceen warar aad u dhaliilaya dowladda Itoobiya.

 

Laakiin Mr Hailemariam ayaa sheegay in xidhidooda aanay shaqa ku laheyn mihnadda ay qabtaan, halka caddeymaha la helay ay muujinayeen in kooxda ay doonayeen in ay khalkhal geliyaan dowladda.

 

Waxa uu sheegay in arrintan si cad hoosta looga xariiqo sabatana waxa ay tahay buu yidhi in aanay jahawareer ku keenin xirfaddan sharafta leh, saxaafadda iyo shaqada ay weriyayaasha u hayaan dalkan.

 

Waxa uu yidhi “waxaan diyaar u nahay in weriyuhu uu noqdaba mid dhalillo noo soo jeediya sababtoo ah mar walba ma nihin kuwa sax ah.” Kala duwannaanta Itoobiya waxa ay tahay in dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka ay xuddun u yihiin jiritaankeeda iyo guusha.

 

Source- BBC World Services