Radio SLpost – Dhegayso Wasiir Xirsi oo Tix Gabay ah Shakhsiyaddiisa ku tilmaamay, Kagana Garnaqsaday Dhaliilo loo Jeediyo

Wasiirka Madaxtooyada

London (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali X. Xasan oo ka mid ah Weftiga Madaxweynaha ee ku sugan dalka UK, ayaa munaasibad Il-yartu is-qabatay oo  Qurbejoogga Somaliland ee dalkaasi ku soo dhawaynayeen weftiga, waxa uu ka tiriyey tix gabay ah oo dhinacyo badan taabanaysa.

Wasiirka Madaxtooyada
Wasiirka Madaxtooyada

Munaasibaddan oo xalay ka dhacday magaalada London, waxa uu Md Xirsi Cali Xasan ka jeediyey khudbad guubaabin iyo waxqabadka Xukuumadda ka jeediyey madasha Kulana weftiga Madaxweynaha iyo Qurbejoogga UK, ayaa gebo-gabadii Khudbaddiisa dadweynihii goobta fadhiyey ku wargeliyey inuu madasha ka jeedinayo tix-gabay oo uu isagu tiriyey, taas oo layaab iyo filan-waa ku noqotay qurbejooggii goobta fadhiday maadaama oo aan Wasiirka lagu ogeyn Hal-abuurnimo dhanka Suugaanta ah.

Waxaanu halkan idinku soo gudbinaynaa Tuducyo aanu ka soo garoocannay  Gabayga Wasiirka oo uu kaga jawaab bixinayo Dhaliilo loo jeediyo shakhsi ahaan:

Xirsaa Gabyoo yidhi

[ Listen with your Mobile ]

 

SOMALILANDPOST.NET