Qurbe-Joog iyo Qodaal-Joog: Xogwaran si mugleh u iftiimiyay cadawga maamul wanaagga

Sacad Qodaal-Joog

Waxa lawada dareemayaa in aay wax khaldanyihiin  waxaynu kawada dharagsanahaycadaaladdarada iyo maamulxumada baahsan markale waxan waayo aragnimo kakorodhsanay talaabooyinkii ay qaadeen xukuumadihii hore talaabooyinkaa maamul toosinta ahaa oon midna lagu guulaysan waxan xusi karnaa geeridii marxuum cigaal ka dib madaxwaynihii hore ee riyaale wuxuu qaaday  talaabo garsoorka lagu hagaaajinayo waxaanu bedelay dhamaan garsoorayaashii iyo kalkaaliyaashii wadankoo dhan  isla markaa wasaarada cadaaladu waxay magacawday oo bulshada rayidka ah laga soo qaatay garsoorayaal cusub nasiibdarese waxguul ah maykeenin cadaalad daradiina halkii bay ka sii socotay, waxaynu uga faiidaysanaynaa dhacdadaa in ayna dadwaynuhu helayn maamul wanaagsan oo horumar sinaan iyo cadaalad u horseeda ilaa iyo ay burburiyaan heshiiska aykula jiraan bahalaha u cadawga ah in lahelo maamul wanaagsan  macaamil xooglihi kadhexeeyo bahalahaas halista ah  lama yaqaano halka ay ka soo fakadeen ee lagu dhaqday  inta badan waxay dadka ku dhibaan maamulka dawliga ah iyo dadwaynaha dhexdooda waxay cabsi galiyeen bulsho waynta Somaliland waxayna u daranyihiin dadka danyarta ah naafada iyo dadka jilicdasan  waxaan maqlaa oo an arkaa oohinta dadwaynaha waxanka warhayaa boqolaalka baqaha iyo warwarka uu ku abuuray waxan lakulmay  dadka uu dulmiyay  hantidoodiina uu ka qaatay  markale waxan lakulmay bulshada ay dhibta intaa leeg ku hayaan  oo macaamil wanaagsan la leh ma yaqaanaan bahalahaasi xuquuqda aadamaha  mana yaqaanaan xaq iyo baadil  mararbadan ayay xukuumadihii Somaliland soomaray iyo xukuumadan talada haysaaba isku dayeen in ay burburiyaan hishiiskaa dhexmaray iyo bahalaha  inkastoyna ku adkaysan go,ankaas  hadana waxa markasta difaaca ee gaadhka ka ahi  waa dadwaynaha  bahalaha cadawga u ah maamulwanaagsan oo la helo waxa af  yaqaan dadka dhaqaalaha iyo magacyada laxurmeeyo kaga jira dabaqada sare iyo ta dhexe  danyarta naafada iyo dadka jilicdasan ma afyaqaanaan balse hishiiskii dhexmaray dadwaynaha iyo cadawga mamul wanaaga  waxay  ku lahaayeen hishiis iyo saxeexyo,sobobtoo ah waxay ku taamayaan in ay afgaranlahayeen hadii ayku noolaanlahayeen dabaqada dhexe iyo ta sare  ee mabdi,iyan waa ka raali in ay la macaamilaan cadawga maamulwanaaga

Heshiiskii dhexmaray midka mid ah cadawga in ay dadwaynuhu helaan maamul ku dhisan caqiidada islaamka oo xurmeeya shuruucda dawliga ah oo xanaaneeya bulshada uu xukumo wuxuu heshiiskaasi soo taxnaa qarniyo  badan waxanan ka dhaxalay awoowyasheen waxana uu sigaar ah ula dagaalamaa midnimada  isku duubnida iyo waxwada qabsiga wuxuu ka awoodbatay diinta iyo wadaniyada balse waqtigan aynu joogno,awoodiisii waywiiqantay oo sidii uu waayo ahaanjiray ma. Aha waxanan cadayn uga dhigayaa danyarta naafada iyo dadka jilicdasan ayaan ku helin gargaar iyo gurmad waana bahalka koowaad waana qabiilka bahalkaasi waxuu ku tamariyaa waqtigan manta aan joogno oo gargaarkiisa ugu badan ufidiyaa dadka nololahaan dabaqada sare iyo ta dhexe ku jira sobobta oo ah waxay awoodaan in ay iska bixiyaan ujuurada ama mushaharka uu ku shaqeeyo  waana cadawga labaad ee ay dadwaynaha Somaliland  ay macaamilka xoogan la leeyihiin  wuxu u dhexeeyaa maamulka dawlada,heerkuu doonaba hajoogee iyo dadwaynaha wuxuu noqday furaha milgaha maamulka  lagu waxyeeleeyo  sharcigana lagaga leexiyo waxa laga aaminsanyahay in uu yahay furaha is afgarashada  ladqabaha  xaalmastuurka iyo mustafaynta, waxana ka dhexsamaysmay halku dhegyo iyo hadalo duurxul ah oo laysku afgarto  waana cadawga koobaad ka hor jooga in ay helaan dadwaynuhu  maamul cadaalad iyo hurumar ku hogaamiya  bal waxyar an idiinku iftiimiyo maansadan,

waanadaan libilaabay.

Afarlayda malaacine

Laas aan gudhaynbaan

Murtidii ka ladaabtoo

Maansadaydii labaad

Laaluushkaan faraciisiyo

Laamihiisa ku diidoo

Aqooni iiguma laabnee

Bahalkaa luqaddiisiyo

Lahjadiisa aqaanoo

Musuquu ku lamaanyoo

Laba weeyi xidhiidhoo

Lanbarkoodu midweeye

Maamulkuu lulujaayoo

Laxaadkuu ka dhantaaloo

Laangadhuu ka dhigaayoo

Laluushkaa bixintiisay

garsoorkii lagdameenoo

tamcaduu lugihiisiyo

lawga uu kaga duubaa

lafihii kala daadshoo

cadaaladii libinteeduu

lidigeeda ahaadoo

laaxinkuu galiyaan

cidi loodinkaraynoo

dhaqankuuna kalaaloo

asluubtuuna ka leexshoo

laali hoos uqodanbuu

gunta hoose ligaayoo

cid ma laaci karaysee

libaantii bulshadeenuu

laaluushkaa ka horjoogee

midigtaada ka laabo

Maansadaa sida mugga leh u iftiiminaysay dhibaatada iyo diliga uu baday dadwaynaha Somaliland iyo dawladaba ,sida taariikhdu xusayso  waxaa hubaal ah in milgaha dhaqahka umada Somaliland uu xor iyo xalaal ka ahaa macaamilka iyo heshiiska laaluushka ,bahalkani waxa uu ka mid yahay cudurada aan ka dhaxalnay ama ay inna dhaxalsiisay guuldarradii xornimadii lixdankii  iyo dhicii ,dilkii,iyo ku tumashadii xiquuqda Aadamaha ee  aynu kala kulanay xukuumadii kali taliska ahayd ee SIYAAD  BARRE waxayse is waydiintu tahay mala gaadhay wakhtigii laga gaashaaman lahaa macaamilka laaluushka oo ah Aabaha sharka)waxaan qabaa in aan wali la gaadhin waqtigii laga gaashaman lahaa sobobtoo ah hishiiskaa waxaa loo jidiidiyay mudadan aynu dimuquraadiyada qaadanany waxaanu noqday oo laisku afgartay in uu macaamilkiisu iyo suuqiisuba xaami noqdo hadii aynu halkaa ku dhaafno cadawga saddexaad ee hadii aynu heshiiska aynu la galay dawlad iyo dadwaynaba  oo hadii aan heshiiskaa laga bixin ay adkaan doonto jiritaanka dawladan curdinka ah een aqoonsiga ka helin beesha caalamka cadwgaasi oo ah musuqmaasuqa oo aynu ka wada war hayno isku daygii ay xukuumadani  siiraanyo isku dayday in ay la dagaalanto musuqmaasuqa iyo hiilkii ay ka la horyimaadeen  qaybaha kala duwan ee bulshadu siiba madax dhaqameedku Kuwaas oo sida fiinta uga qaylyay baadhitaankii hayada hanti dhawrka guud ku samaysay  dawladaha hoose ee magaalooyinka gabilay,hargaysa,iyo burco waxana maragcad u ah heshiiska ay dadwaynaha soomaliland la galeen cadawga saddexaad ee hortaagan in la helo maamul wanaagsan  bal waxyar aynu dul istaagno maansadan sida nuga leh u iftiiminaysa heshiiska ay dawlad iyo dadwaynaba ayku yihiin musuqmaasuqa

v  bahalkaa musuqmaasuq

v  dadbaa maali yaqaanoo

v  muftaaxiisa heloo

v  majo jiifta noqdoo

v  ninka guusha uraadshoo

v  macalimiina u doontoo

v  nusixiriinta la sheegiyo

v  ma diidooyin yaqaanoo

v  sharcigoo la mulaaqiyo

v  mugdigay ka helaanoo

v  mabsuud ay ku noqdaan

v  maalintaa fatashaadiyo

v  loo maleego xisaabtana

v  marmarsiiyo ma waayo

v  qabiilbaa magantiiya

v  madaxdii dhaqankeenaa

v  xaalmastuurka bilawdoo

v  waa qareen magac waynloo

v  maslaxaada damiinkiyo

v  mustafaynata ma waydo

Dhacdooyinkaa kor ku xusan ee xaqiiqda ku qotoma waxay ina tusayaan in xukuumadihii kala danbeeyay  aan lagu canaan Karin lagulana xisaabtami Karin inla helo maamul wanaagsan  oo cadaalad iyo sinaan bulshada  u horseeda maadaama ay dadwaynaha soomaliland difaac ugu jiraan musuqmaasuqa xukuumada madaxwayne siiraanyo iyo kuwii ka horeeyayba ee dhaliisha u wayn ee ay ka siman yihiin waa wacyi galin la aanta aanay bulshada ka wacyi galin aafada musuqmaasuqa marlabaad wax yar aynu dul istaagno tuducyo ka mida maansadii musuqmaasuqa

v  bahalkaa musuqmaasuq

v  dawladaha muga waynlee

v  micidoodu adkaatay

v  malagbuu ku noqdaayoo

v  bangiyada maalku ka buuxana

v  musalafbuu ka dhigaayoo

v  makhalkuu gudhiyaa

v  qasnaduu madhiyaa

v  macaluusha warkeedana

v  markhaatuu ka yahoo

v  mawjaduu kiciyaa

v  mashaakilbaa ka abuurma

sida aynu wada ogsoonahay maamulka dawliga ah iyo dadwaynaha Somaliland waxaysi wayn u wadaagaan ka raali ahaanshaha jiritaanka musuqmaasusqa isagoo ay marwalbana la ildaran yihiin kana ooyayaan dhibaatooyinka uu sababo iyadoon marnaba masuuliyada jiritaanka musuqmaasuqa dusha laga saari karin dawlada oo kaliya maadaama nidaamkan dalkeenu ku dhaqmaa uu yahay nidaamka dimuqraadiga ee maamulka dawliga ahi dadwaynaha ka dhexyimaado marsadexaad bal waxyar aynu duljoogsano maansadii musuqmaasuqa

v  bahalkaa musuqmaasuq

v  maamulkii unuglaada

v  dagaalkiisa ka maagay

v  mididiisu dhaxqaado

v  madfacaan la arkayniyo

v  miino weeyi qarsoonoo

v  maruunbay qaraxdaa

v  bahalkaa musuqmaasuq

v  maamulkii ku shaqeeya

v  maraan aan la fahmayniyo

v  maqaarsaarka la sheegiyo

v  madluun buu ka dhigaayoo

v  hadalkiisa mugiisu

v  macna buuran mayeesho

v  bahalkaa musuqmaasuq

v  muwaadinkii ku shaqeeya

v  maafiyuu ka dhigaayoo

v  mukhaadaraadka la quutiyo

v  macsiduu badsadaa

v  boqolaal miyirbeelaan

v  magdhawgoodii udoonoo

v  balana waan u mudeeyay

v  bahalkaa musuqmaasuq

v  garsoorkuu murgiyoo

v  xaqa wuu malmaloo

v  murankuu sabobaayoo

v  masiibo weeyi qarsoon

inkasta oo xukuumadan madaxwaynne siiraanyo ku talaabsatay dadaai xoogan lana odhan karo kumay adkaysan goaankeeda waxay manta taagan tahay faanoole fari kama qodna oo wali hoos umay dayin musuq maasuqa aafeeyay mucaawinooyinka hayadaha caalamigi ay bixiyaan bal dib aynu ugu noqono maansadii musuq maasuqa

  • bahalkaa musuq maasuq
  • dadbaa maali yaqaanoo

muftaaxiisa heloo

majo jiifta noqdoo

masaakiinta xaqoodiyo

maatiday ladegoonoo

mishiino beero waraabshiyo

madaraqii dhul qodaalkiyo

majadaan ka badbaadin

mushtarbay ka noqdeenoo

macaashbay ka hellaan

Hadii aynu halkaa ku dhaafno cadawga sadexaad ee inaga hortaagan in aynu helo maamul wanaagsan aynu u gudubno bahalka afraad ee isaguna inaga hortaagan  in la helo maamul cadaalad iyo sinaan ku shaqeeya xogtan aan soo ururshay waxay iftiimisay in uu yahay xurmayn la aanta sharciga iyo ku dhaqan la aanta xeerarka iyo shuruucda dawlig a ah waxana qayb wayn ka qaata  in lagu dhaqmi waayo oo la xurmayn waayo shuruucdii aan dhiganay  bahalahaa aan kor kaga soo shekaynay  bahalkan afraadse  lama wadaagaan dadwaynuhu dhaliishiisa ee xukuumada kolba joogta ayaa dhaliishiisa dhabarka ku qaadan ayasa sobabta oo ah xukuumada iyadaa loo doortay in ay fuliso shuruucda aysoo ansixiyaan golayaasha sharci dajintu xogtani waxay daaha ka qaadaysaa  hirdanka  iyo is garbinta ka marwalba u dhaxaysa laba masuul oo digreeto lagu soo magacaabay  markale xogtani waxay daaha ka qaaday hirdanka u dhexeeya laba hayadood oo xukuumadan madaxwayne siiraanyo  ka wada tirsan waxanan markhaati cad u ah xeer ilaalinta guud iyo hanti dhawraha guud hayadahaasi oo si caga jiid ah u wada shaqeeya markale waxa xusid mudan wasiir iyo agaasimihii wasaaradaasi oo wax kale jiidanaya oo hirdan iyo guux hoose uu markasta ka dhaxeeyo waxa xusid mudan wada shaqayn la aanta hayadaha iyo wasaaradaha ay shaqadoodu kulmayso taasoo marag cad u ah in laga duulo hadaf  isku mida iyo dariiq kaliya isku soo wada duubuu waxaynu wada ognahay in ay jiraan shuroocda  kala xadayn aysa maamulka dawliga ah iyo qodobada qeexaya awoodaha iyo kala saraynta maamulka dawliga ah iyo wada shaqaytooda waxayse iswaydiintu tahay maxaa keena marwalba muranka iyo wax kala jiidashada masuuliyiinta dawlada ee gaadha heer ay saxaafadu bogoga hore ku qorto xogtani waxay si baaxadlleh uxaqiijisay kudhaqan laaata iyo xurmayn laanta shuruucda dawliga ah taasoo ah mid saamayn balaadhan ku leh halka ugu saraysa ilaa halka ugu hoosaysa

 iydoo saamayn balaadhan ku lee yihiin sadexda cadow een kor kusoo xusnay  bal waxyar aan dul joogsano maansadan sida qotada dheer u iftiiminaysa xurmayn la,aanta shuruucda dalka iyo dhaqan galin la,aanta iyada oo si gaara u baraarujinaysa qaybaha kala duwan ee bulshada quba jooga iyo qodaal joogaba

v  Xiniinyoole gabigiis

v  Qurba joog xariiriya

v  Xidhiidhada  aduunkiyo

v  Xirfad iyo aqoonliyo

v  Xaafidiinta diintiyo

v  Xadro joog duceeyiyo

v  Gidi xaafad joogtiyo

v  Xaawalay haweeniyo

v  Xeer beegti talisoo

v  Dhaqan lagu xushmeeyiyo

v  Xoogsatada dalkeeniyo

v  Inta xaynta raacdiyo

v  Xoolo dhaqatadeeniyo

v  Xiiisadii abwaankiyo

v  Murti xiiso galisaan

v  Xaraf -xaraf u deeqsiin

v  Xogtan maanta aan qoray

v  Xikmad weeyi culusoo

v  Daacad loo xambaarshoo

v  Xeer  beegti sheegoo

v  Xaqiiqday ku qotantaa

v  Dhaqankaan xigtaystoo

v  Xogtan baadi doonkeed

v  Qalin lagu xariiqiyo

v  Xaashibaan u qaatoo

v  Kuwa fulinta loo xulay

v  Wasiirada xildoonka ah

v  Xafiisyada dhamaantood

v  Xubin xubin u marayoo

v  Xarfihii distoorkiyo

v  Xeerarkii dalkeenaa

v  Xurmadoodii waayoo

v  Xarumaha garsoorkaan

v  Xeradooda booqdoo

v  Xaalkooga baadhoo

v  Xukunaan dhagaystoo

v  Xaakimyaan waraystoo

v  Xubintii garsoorkoo

v  Gacmahoodu xoodmeen

v  Xagleheed qaloocdeen

v  Xajiinbaan korkeediyo

v  Xuub adag samaystoo

v  Xanaf  baan arkaayoo

v  Xaq         soorbaan ka waayoo

v  Bahalahaan xusaayaa

v  Xirfadoodu noqotoo

v  Xaadhintooda weeyaan

v  Sharci lama xurmeeyoo

v  Xulafay noqdeenoo

v  Xiisaha dhexdoodaan

v  Xoogiisa   yaabee

v  Xaalkani siduu yahay

Mudadii aan ku jiray xogtan xaqiiqo raadiska ha waxa aan ku ogaaday in aanay bulshada qaybaheeda kala duwan aanay xil iska saarin xog ogaalna aanay u ahyn dhaqan galin la,aanta  shuruucda dawliga ah dhamaan dad waynaha somalilandna waxay si wayn walaac iyo war war iyo  cabasho joogta ah uga keenaan maamulka dawliga ah bal wax yar aan ka taabano maansadii xurmo.

v  Dad waynuhu xagiisii

v  Wali muu xisaabtamin

v  Xayn daabka garashada

v  Xigaalkeeda muu noqon

v  Xalka waxay ka raadshaan

v  Ayaa xumaantoo dhan keenoo

v  Xeerarkii dalkoodii

v  Xurfadbay  ku tureen

v  Xoolay ku bixiyaan

v  Xaalal bay barteenoo

Run ahaantii waxaa meesha aan ka madhnayn oo aan xogogaal unahay xurmayn la aanta ay ubadheedhaan dhaqan galin la aanta  xeer hoosaadka ee ay caadaysteen xisbiyada siyaasadu wxaa si xoogleh uiftiiminaysa maansadii xurmo

v  Xisbiyada dalkeenan

v  Ragbaa xero ku ootoo

v  Kootay ku xidheenoo

v  Xaafadaana sheegtoo

v  Ka xayuubshay sharaftoo

v  Xiligay qarxaysiyo

v  xagaabaynu  joognaa

v  kulmiyana  xantiisii

v  xadantada  warkiisiyo

v  xurgufbaa dhex taaloo

v  xafiiltankiisa  murankiyo

v  xawaaray ku socotaa

v  xamxamtooda hoosana

v  xalaybaan ku joogsaday

v  xiina waana maqlaayoo

v  xaadhintaan  ku noolahay

v  xuunbay  wakiisheen

v  xanaaqiisu badan yahay

v  xajiimaale weeyoo

v  runta kama xantaystee

v  xisbi xaakimkeenee

v  xaabo dhoosh ka yeeloo

v  xarna wuu dhex qaadoo

v  xarsho weeyi kala hadhin

v  umaduna xor weeyoo

v  ururkii xanaanshay

v  iyaguna xanaanayn

v  xertii waayo talisiyo

v  udubtiyo  xagoodii

v  xirfadooda laga waa

v  xulufadoodii loo baqay

v  xina wuu dhex yaalaa

v  xaaladoodu adakaa

v  xisaabtooda lama galin

maqaalkan waxaa isku soo duba riday suxufiga hal abuurka ah

abwaan : sacad maxamuud gadhle  gabiley soomaali land

Mob  :  (002522) 4669910

 qodaaljoog1@Gmail.com