Qurba Joogta Soomaalida Oo Lacago Soo Gaadhsiiyeen Aabo Jidhkiisu Dubka Ka Dhacayo Oo Si Weyn Boorama Ugu Xanuunsanaya +SAWIRO

Borama (SLpost)- Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool daafaha dunida ayaa deeqo lacageed oo kala duwan waxa ay soo gaadhsiiyeen Barre Xasan oo ah Aabo si weyn ugu xanuunsanaya gudaha Boorama kaasoo Jidhkiisu dubka ka dhacayo isla markaana Dhaqaatiirta dalka ku sugan ay sheegeen inaan gudaha dalka waxba loog qaban kareyn una baahan yahay gargaar degdeg ah oo dibadeed gaar ahaan dalalka Somaliland la dariska ah oo lagu daaweyn karayo.

buka_bareJaaliyadahaan muxsiniinta ah ee ka danqaday dhibaatada heysata ayaa deeqdaan lacageed waxa usoo direen bukaanksan, waxaana shalay la gudoonsiiyay 1,610 Dollarka Mareykanka ah oo Dad aad u tira badan ay usoo kala direen, waloow deeqdaan lacageed wax badan ka tari doonto caafimaadkiisa hadana waxuu Walaalaha Soomaalida ka codsaday inay usoo gargaaraan si lacagta uu ku tagayo Dhaqaatiirta dalalka la dariska ah Somaliland sida Itoobiya, Kenya ama Jabuuti oo lagu soo daaweynayo ay aad ugu badan tahay tan uu maanta heysto una baahan yahay gacanta Walaalaha Muxsiniinta h ee Soomaalida iyo guud ahaan Islaamkaba.

buka_bare 6Walaal si naxariis leh waxaa lagaaga codsanayaa inaad gacan naxariis leh u fidisid Bukaankaan sida weyn u xanuunsanaya una baahan maanta gacantaada si caafimaadkiisa dib ugu soo laabto Insha Allah.

 buka_bare 4

WAXII TABARUCAAD AH UGU HAGAAJI XAWAALADAHA SOOMAALIDA
KU QOR MAGACA: Cabdifataax Axmed Maxamuud – OO LAGA HELO Bukaan Barre Xasan
Tel: 0025224502777
BOORAMA – Somaliland

AMA UGU DIR ZAAD

4502777