Qurba-joog: Muwaadiniin fara badan ayaa qaba in ay ku hoyanayaan (dhimanayaan) tiiyoo aanay xafiisyada Dawlada Somaliland muraaddadooda si xalaala ah uga dhamaysan

-Muwaadin ogow dhalinyarada (oo ay ku jiraan kuwa danyarta ah) ee aad shaqada u diiddan tihiin waa kuwa berri  ka difaaci doona cadowga.

Qurbe-joog: umadda Somaliland kuma dhaqmaan nidaamka iyo sharciga u dejisan wadanka, saraakiisha iyo shaqaalaha dawladda (civil servants) kaga lacag qaataan ee ay ahayd inay sharciga ilaaliyaan iyagiibaa sharciga ku tunta noqdayna dhuuniraac(opportunist) awgeed, isla markaa ku tagri falka danta caam ahaaned waa geesinimo uu kugu taageerayo qabiilkaagu, Xukuumadda Somaliland ka talinaysaa halkay wakhti fara badan ka wacyigelin lahaayeen umadda, waxay ka doorbideen inay been ku maaweeliyaan, odhanaya Somaliland dimuquraadiyada afrika badi way kaga horeeyaan iyo Somaliland waxbay qabsadeen, inagoo og inaynu luminay fursad dahabiya oo ah bilowga qaranimada, ee diwaanglintii ina soo martay sababta la xidhiidha wacyi gelin la,aan,musuqmaasuq,iyo qabyaalad.

Qurbejoog: Haddiiba ay kugu dhalato inaad gadato (iibsato)dhul, guri iwm hubi in aan laysku haysan ama laba qof oon is ogayn mid walba sharci ay dawlada hoose u siinin isla dhulkaa halkaa waxa ka furma tartan loo qabto labada qof ee sharciyada u haysta dhulkaa isaga ah waxaana dawladda hoose guusha siisa ka ka soo jeeda meel adag lacagtana huraaya (Tartanadaa badanaa waxay ka dhacaan huteelada waaweyn, guryaha iibka ahna iska jir qofka iibinayaa inuu yahay kii lahaa guriga)

Qurbe-joog: Eeg dawlada hoose danyarta tuban ee sugaaya in wax looga qabto muranada joogtada ah ee dhulka, oo ay ka dhex abuureeen xildhibaanada deegaanka u fadhiya degmooyinka kuwaas oo labada qolop ee is haysta garab siiya midka dhaqaalaha badiya taasi oo ay dawlada hoose tahay hooyada mushakilaadka dhulka ee dadwaynaha dhibta laxaadka leh ka haysato

Qurbe-joog: Hadana u kac xagaa iyo maxkamadda gobolka Hargaysa. Dadwaynaha hoganaya muddo sanad ilaa labaatan sanadood oo kolba ka xaggiisa dacwaddu u liicdo lacag laga rabo waxaana jira dacwado qof sharci dhamaystiran haystaa ka la doodayaana aanu wax sharciya haysan..subxaanalaah. Dadkan garsoorka hayaa xaggay Islaam iyo ban’iaadnimo ka soo galaan maxkabadda Gobolku waa meesha ugu musuqmaasuq badan waxaana soo raaca D/hoose, saldhigyada booliska

Qurbe-joog: Dadweynaha Somaliland hadaad waydiiso, maxaynu u ilaalin waynay danta caam ahaaneed? Waxay ku jawaabaan inagu(We, Somalilanders) muwaadiniin ma nihin kolkaas Somaliland intooda badani oo ay ka mid yihiin siyaasiga, musheekhda, madaxdhaqameedka, ganacsatada iyo shicibka oo taageera qabaa’ilka waxay u xoogsadaan danahooga gaarka ah xiitaa haddii wadanku ku burburayo dadwaynaha Somaliland wax walba oo ay qabanayaan kama fikiraan waxay noqon wakhtiga gaaban iyo wakhtiga dheer gaar ahaan wakhtiga dheer.

Qurbe-joog: Quruumaha horey u maray (Yurub, Waqooyiga Amerika, Asia) oo usbuuca oo dhan khamriga cabayaa ma dhisan lahaayeen wadamadooda? Jawaabtu waa maya kolkaa Somaliland oo qayilaysaa usbuuca oo dhan oo ku leh hadaanu qayili wayno khamriga ayaanu cabaynaa xageebay gaadhi kartaa? Waxa weliba ayaan-darro ah oo markaad aragto askarta gaadhadhka ku jira D/hoose, hay’adaha, saldhigyada, jeelka, wasaaradaha iyo isgoysyada waddooyinka habeenkii oo inta ay kabaha la baxaan qayilaaya taasi oo ay dhalinta Somaliland  u kacaysaa ay arkayaan oo ay iyaguna berri sidaa yeeli doonaan. Waad yaabaysaa waxa habeenkii xashiish laga xaadho magaalada, waa qaadka xashiishkiisa.  Waxa maanta cad wixii Somaliland lixdankii loo yidhi Somaliland qaldaan. Eega qorshaha wadooyinka magaalada hargaysa oo balaadhkii wadooyinku sii yaraanayaan, iyagoo arkay waddooyinki xaafadihii hore ee Hargaysa oo dhan walba inta lagaaga soo turkey xidhmay ayey maanta sidaas oo kale u daawanayaan xadgudubyada ka socda xaafadaha cusub ee ay dhismayaashu ka socdaan. Tani waxay kalifaysaa in dhammaan magaalada hargaysa inta badan la dumiyo waddo la’aan awgeed. Waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa inay hoos u eegto waxqabasho la,aanta iyo si xun waxu qabadka Dawlada hoose ee hargaysa

Qurbe-joog: Madaxwaynihii  hore ee mudane Cigaal, Alle ha u naxaariistee, oo ahaa nin aragti dheer(vision) ayaa dhawr iyo sagaashankii markuu arkay Oromada Somaliland ku soo badanaysa ayuu umasda ku gubaabiyey in Oromada la siiyo Waxoogaa raashin ah oo aan marnaba la siinin lacag. Hadii lacag la siiyo waxaa hubaal ah in 40-ka milyan ee Oromada Itoobiya ay Somaliland soo wada geli dabadeedna ay waddanka inaga qaadi doonan isla markaa 2010 kii ayuu Sh. Aadan-Siiro oo ah sheekha keliya ee buuxiyey kaalinta uu hayo umadda isagoon ku eekaan masjidka oo qudha balse bulshada siiya wakhti iyo waxtar adduunba ayaa masjidka codsi uga jeediyey wasiirkii Daakhiliga ee dawladii hore Cabdilaahi Cirro isagoo ku yidhi, “Wasiir Itoobiya xidhiidhkaad doontaan la yeesha laakiin labada shicib yaanay isku dhex milmine xuduudaha adkee sida ay Itoobiyaba dhinacooda u ilaashadaan.”

Qurbe-joog: Talooyinkaa dhaxal galka ah lagama faa’iidaysan kolkaa waad aragtaa maanta kumaanaan Oromo ah oo ka kooban RAG, CARUUR, HAWEEN. BOQOLAAL JIDHKOODA XUBNO KA MID AH MAQAN YIHIIN  IYO BOQOLAAL KALE OO QABA XANUUNO AY KA MID YIHIIN HIV/AIDS, JUUDAAN, JIDHBARAR, IYO CUDURO KALE kuwaas oo waddanka oo dhan si boob ah u dawarsada oo ay shicibka Somaliland khaatiyaan ka taagan yihiin. Bal qabsoo Oromadan wadanka soo buuxisay ee weli soo socotaa may keenin gaajo ama dagaal mana aha qabaa’il yar oo la cadaadiyey ee waxay ka faa’iidaysanayaan dawlada Somaliland ee tamarta iyo taagta daran iyo musheekhda tiiyoo Somaliland baahi aad u fara badani taalo hadana lacag u ururinaayey Somalia inagoo og in Somalia beesha caalamka oo dhami u soo gurmatay waana la jecelyahay.  Haddiiba aynu inagu ku caawinay lacag Somalia maxay ku dhacday in madaxwaynaha Somaliland beesha caalamka ka codsado in gurmad caawinimo ah lala soo gaadho dadka abaaruhu ku haysato meelo ka mida Somaliland. Tani waxay ka mid tahay fudaydka iyo maamul xumada Somaliland ku habsatay iyadoo ku tusaysa in aan dadwaynaha dan iyo muraad toona laga lahayn lagana door bidayo siyaasad ma dhalays ah (somaali qaldaan)

Qurbe-joog: shaqo la’aanta (unemployment) muwaadinka boqolkiiba waa 90% weeye halkay ajaanibka ka tahay boqolkiiba 0%.  Ha moodin in ajaanibka lagu doortay lacag yaraan ee umada Somaliland ayaan sideddaba is-indhobuuxin shisheeyahana jecel (Somali qaldaan) waxaana hore loo yidhi, ‘Hargaysaay.. carruur kale koriyaay.. caruurteed cunaay’

GEBAGEBADII: Dadwaynaha Somaliland waxay u baahan yihiin wacyigelin iyo baraarujin fara badan oo laga dhaadhiciyo waxay muwaadinimadu tahay, ha ugu horeeyaan masuuliyiinta wadanka ka taliyaa iyagoo horseed u ah muwaadin xumada ay ugu wacan tahay hunguri, qabyaalad iyo masuqmaasuq. Dawlada Somaliland sii jiri mayso haddii aan wax laga qaban musuq-maasuqa ragaadiyey dawlahada hoose, maxkamada gobollada iyo saldhiyada booliska, in kasta oo Taliyaha Boolisku wax ka qabtay beddelaadda Taliyeyaasha Saldhigyada Hargeysa. Dadwaynaha Somaliland hadaanay meel uga soo wada jeedsan qofka sharciga ku tumanaya, cidduu doono ha ahaadee, in aan la noqonayn dal iyo dad jira toona aakhirana way ina sugaysa.

ALLA MAHAD LEH

QORE: A/RAHMAAN MAHAMED ABDI (INA MAHAMED RUUN)

TELL:4054100