Qulqulka Qaxoontiga Suuriya Oo Wali Yurub Beegsanaya iyo Barakac Hor Leh Oo uu UN Ka Digeen

EU(SLpost)-Tiradii ugu badnayd ee dadka muhaajiriinta iyo qaxooti aha ayaa sabtigii u tallaabay dhanka dalka Hungary.

In ka badan afar kun oo qof oo lugeynaya ayaa galay dalkaasi Hungary iyaga oo ka tallaabay xudduuda uu dalkaasi la leeyahay dalka ay jaarka yihiin ee Serbia, xilli mas’uuliyiinta Hungary ay dhameystirayeen xaydaab ay dhigayaan xuduudda.

Dhanka kale, muran ku aadan sida loola dhaqmayo dadka muhaajiriinta ah ayaa hadheeyay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya waddamada Hangary iyo Austraia.

Dowladda Hangary ayaa u yeedhtay safiirka Austria u fadhiya dalkeeda, waxaana wasiirka arrimaha dibadda Hungary uu cambaareeyay hadal ka soo yeeray hoggaamiyaha Austria Werner Faymann, oo is barbardhigay ku sameeyay sida xukumadda Budapest ay ula dhaqmeyso dadka qaxootiga ah iyo sidii Naaziga Jarmalka uu ula dhaqmay Yuhuudda.

Arrintani ayaa ku soo beegmayso xilli isu soo baxyo dhowr ah oo is diidan ay ka dheceen guud ahaan qaaradda Yurub. Isu soo baxyadani ayaa intooda badan lagu taageerayay dadka qaxootiga ah basle isu soo baxyo kale oo dhowr ah oo iyagana ka dhacay bartamaha Yurub ayaa waxaa looga soo hor jeesaday qaxootiga qaaradda Yuurb ku sii qulqulaya.

 

dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa qiyaastay in in ka badan hal milyan oo qof ay ku barakici doonaan gudaha waddanka Suuriya dhammaadka sanadkan haddii uu sii xumaado dagaalka halkaasi ka socda.

Xidhiidhiyaha arrimaha bini’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee halkaasi, Yacquub El-xuluw, ayaa waxa uu ka digay in muwaadiniinta Suuriya ee qaxaysa ay suuragal tahay in ay sii wadaan in ay isku dayaan in ay gaadhaan Yurub bilaha soo socda.

Mr El-xuluw, waxa uu sheegay in dagaalka ka soconaya gudaha waddanka Suuriya uu mar horaba sanadkan barakiciyay in ka badan hal milyan oo qof. Waxa uuna rumeysan yahay in haddii ay collaadu cirka isku sii shareerto ay milyan qof oo kale ay khasab ku noqon doonto in ay guryahooda ka qaxaan dhammaadka sanadka.

Wax uu sheegay haddii aanan la joojin dhiigga ku qubanaya dalkaasi in qulqulka Suuriyaiinta uu sii socon doono, Yurubna ay wajihi doonto xaalad qaxooti oo la mid ah middii ka dhalatay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Yacqub El-xuluw, ayaa sidoo kale ku baaqay in gacan la siiyo dhowr barnaamij oo gargaar ah oo ay soo wajahday gabaabsi dhanka maaliyadda ah, barnaamijyadaasi oo la isku dayayo in Suuriyiinta lagu sii hayo dalkooda meelkasta oo ay suuragal tahay.