Qul-qulatooyinka Ammaan ee Soo-galootigu ka Fulinayaan Dalka UK oo Soo Kordhaya iyo Laba Nin oo loo Qabtay Afduub diyaaradeed

PakistanJetLondon (SLPost)- Laba nin ayaa lagu eedeeyey inay halis geliyeen diyaarad ka dib markii laga leexiyey garoon diyaaradeed oo ku yaala Ingiriiska oo ay fadhiisan lahayd.

Diyaaradda Pakistanjet ayey u soo gelbiyeen diyaaradaha dagaalka ee UK garoonka Stansted, halkii ay hore ugu jihaysnayd inay fadhiisto garoonka Manchester.

Tayyab Subhani oo ah 30 jir  xirfadda Darawalnimada Tagaasida u shaqaysta iyo nin shaqaale ka ah hudheel oo lagu yidhaahdo Mohammed Safdar, oo 41 jir ah, oo labaduba degan yihiin xaafada Nelson ee Lancashire, ayaa la filayaa in maxkamad la soo taago berri, sida booliiska deegaanka Essex cadeeyeen, waxaana nimanka lagu eedaynaya inay maleegeen fal ka dhan ah ammaanka diyaaraddaas.

Diyaaradaha ciidanka cirka Ingiriiska ee Typhoon-ka loo yaqaan, ayaa la amray inay hareeraha ka duulaan diyaaradda PakistanJet oo nooceedu yahay Boeing 777 taas oo duulaysay hawada Ingiriiska ka hor intaan loo soo weecin garoonka Essex.

Labadan nin ayaa ku negaan doona gacanta booliiska ilaa maxkamad laga soo taagi doono aroorta.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmo ka hor caasimada UK ee London dhexdeeda hadh cad lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Milatariga ee dalkaas, kaas oo la sheegay inuu ka soo laabtay hawl-gallada dagaal ee Ingiriisku ka wado Afghanistan, waxaana ciidamada ammaanku isla markiiba goobta dilku ka dhacay ku qabteen Niman Asal ahana ka soo jeeda Qaaradda Afrika oo fuliyey dilka Askariga.

Somalilandpost.net/London