QORILUGUD: Hal Askari oo Ku Dhintay Gaadhi Miino la Kacday

 

 

Askar ka tirsan ciidamada qaranka ayaa gaadhi ay saarnaayeen miino kula kacday deegaanka Qorilugud oo ka tirsan gobolka Buuhoodle, waxa halkaas ku qudh baxay hal askari halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen

 

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha mudane Cabdirashiid Riyoraac ayaa askarigaa ka tacsiyadeeyay qoyskii, asxaabtii iyo qaranka uu ka baxay, waxa kale oo uu u duceeyay askarta kale ee dhaawacantay.  Wasiirku waxa kale oo shilka askarta ee miinadu la kacday masuuliyadeeda dusha ka saaray hay’adda miinosaarista “Ciidanka qaranku awalba furintuu joogay oo waxa uu u joogay difaaca qaranka hase ahaatee dagaaladii dalka dhacay ka bacdi ciidanku kamuu baqayn dhulka hoostiisa. Magaaladaa inta aan ogahay waxa miinadda baadhisteedu ka socotay tobankii sanno ee ugu dambeeyay, waa arrin laga naxaa oo canaanteeda ay yeelanayso hay’adda miina-baadhistu waayo waa magaalo dhexdeeda xaga ay miinadu ka kacday”

 

Warkaas oo faahfaahsan kala soco Somalilandpost