Haddii aanay jirin xuquuq lahaansho gaar ahaaneed ee shay waxaa la arki lahaa in is qabqabsi badan yimaado. Lahaanshaha gaar ahaaneed ee midho qof leeyahay waa mid la mida xuquuqda qofkastaa gaar ahaantii u leeyahay, laakin wali waxaa xataa jirta in dad madax sheeganayaa ay ku xadgudbaan xuquuqdii mujtamaca ay u yihiin madaxda oo ay sheegtaan midhahoodiii.
Su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay yaa illaalinaya xuquuqda qof? Mar hadaynu arkayno in nin madax sheeganayaa sidan ugu tumanayo xuquudii abwaan Dhako?
Ujeedadaydu ma aha inaan si sharci ah u guda-galo xuquuqaha lahaanshaha iyo sida loola taacalayo, balse waxaan jeclaystay inaan milicsado arrin aad iiga yaabisay oo igu abuurtay fikir badan.
Waxaa Iska dhaqan iyo caado ahaan jirtay in laba abwaan ama abwaan iyo fanaan isku qabsadaan hees uu midba dhiniciisa u sheeganayo balse tanoo kale wali maan arag in nin aan abwaan ahayn oo xataa aan sugaan dhaadhi ku sifoobinin uu jecelaysto sheegashada midho aanu lahayn curinteeda..
Waxaa fajac iyo amakaag aan ka qaaday nin sheeganaya inuu heestan leeyahay hadana isku cadaynaya inaanu abwaan ahayn oo aanu waligii bililiqaysan sugaan aanu lahayn, akhristayaal bal ila akhriya qormada uu gudoomiyaha dawan Maxamed Mire Sayid uu bilaabay qormadii kowaad wuxuu ku bulaabay erayadan
‘’Ma ihi nin gabayaa ah iyo abwaan hal abuure ah oo rabigeen hibo gaar ah u siiye curinta iyo habaynta noocyada kala duwan ee suugaanta.
Mana ihi Xaasha’e nin ay ka suurto gasho ama ay sida dadka qaarkood dhaqan iyo caado u tahay in uu billiliqaysto, oo iska qaato sida uu doonana u adeegsado gabayo aanu tirinin iyo suugaan aanu lahayn oo fadhato ah oo ay dadkii lahaana weliba joogaan.
Sidaas awgeed ha iga filina in aan qormadaydan ku bilaabo ama ku ladho gabayo booli ah, heeso bililiqo ah, buraanburo tuuggo ah iyo guurawyo fadhato ah oo aanan midkoodna lahayn, dadkii tiriyeyna aanay wax ruqsad iyo ogolaansho ah ii siinin adeegsigooda,’
Hadaba miyaanay sida cadceeda u cadayna kuugu filnayn in aanay lahayn midhaha heestan abwaan Dhako ku farayarstay ee ay ka muuqato farshaxanimada suugaaneed ee Dhuxul iyo Sayid aanay waligoodna curin karayn .
Akhristayaal idinkaan idin daayay xukunka labadan nin iyo waxa laga yeelayo madaama oo aan cadayntii Busi iyo Ubax fahmona hore u haynay, maxay noqonaysaa xukunkoodu?????
Isku soo wada duubo waxaan ku soo afmeeray maqaalkaygan kooban in Maxmed Mire Sayid uu yahay nin lagu guuro oo aan ku socon tiisa balse ay muuqato inuu yahay shakhsi isku halayntiisau adagtahay oo kolba meesha wax uugu jiraan ku mamma…..
Wabilahi towfiiq
Mustafe Muxumed Cadde
mustafemx@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland