Qoraa Boobe Oo Hargeysa Ku soo Bandhigay Buugga Dhaxalreeb Labaad

 

Hargeysa(SLpost)-Dhaxalreeb Labaad oo ah qaybta labaad ee buugga caanka ah ee Dhaxalreeb horaad oo uu qoray Qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale “Boobe”, buuggaas oo ay ku duugan tahay taariikh iyo dhacdooyin xiiso leh oo laga qoray ashkaas ummada mudan ka ah kana qayb qaatay dhisidda iyo horumarinta dalka, oo ay ugu mudan yihiin mujaahidiintii SNM ee ka qaybqaatay dagaalkii lagula jiray dawladdii militariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre ayaa xalay lagu daah-furay Hargeysa.

 

Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa xalay lagu soo bandhigay buuggan. Munaasibad aad loo billay baa loo qabtay oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Qorayaasha Somaliland Oo kaashanaya dalladda SONYO iyo shirkadda buuggan daabacday ee SAGAL JET.Waxa Xafladda ka soo qaybgalay masuuliyiin ka kala socday xukuumadda, Mucaaridka, ururada bulshada iyo waliba qorayaal iyo dhallinyar aqoonyahan ah oo aad u badan.

Dhaxalreeb Labaad 1

Ugu horayn waxa xagaasi ka hadlay guddoomiyaha ururka qorayaasha Somaliland Axmed Ibraahim Cawaale kana waramay muhiimadda buuggani u leeyahay bulshada iyo waliba qoraaga buugga oo laga fillanayo laguna yaqaanno qalin fiiqnaan iyo taariikh-soo gudbin billan.

 

Qoraaga Buugga oo ka warbixiyey buuggan iyo sida uu u qoran yahay ayaa sheegay in uu yahay qaybtii labaad ugu yaraan saddex qaybood oo kalena imika makiinadda saaran yihiin. Waxa kale oo uu sheegay in buuggan iyo kuwa kale oo uu qoraaba ay yihiin qaan bulshadu ku leedahay.“Buuggaagtani waa qaan bulshadu igu leedahay, kanna kuwaas uun buu ka mid yahay, waxa aan is leeyahay wixii aad hayso si deg deg ah u soo gudbi si maalinta aaskayga maydkaygu u fududaado” ayuu yidhi qoraa Boobe.

 

Qoraaga Buugga ayaa si kaftan ah u sheegay in aan loo qaadan in ay siyaasadda uu ku biirray ay wax u dhimmayso qoraaladiisa iyo dadaalkiisii horeba waxa aannu yidhi “Ha moodina in ay siyaasaddu nusqaan igu keennayso, Laakiin waan waddaa dadaalka markasta, Imika xafiiska xisbiga ayaaban qoraalada ku diyaarsadaa”. Ashkaas dhawr ah oo buugga bud-dhig u ah buu wax ka yara sheegay qofnimadooda sida Cabdilaahi Cabdi Shube iyo Xasan Sheekh Muumin Oo Kale, (AHN labadoodaba).

 

 

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Proj Maxamed Sheekh Ibraahin Xujaale, Xubno ka socda ururada bulshada, Qaar ka mid ah Jaamacaddaha dalka, madaxda Shirkaddaha gaarka loo leeyahay badhkood, iyo masuuliyiin kale oo dhammaantood u mahadnaqay qoraaga islamarkaanna qaarkood jumlad buugaag ah iibsadeen si ay u dhiirigaliyaan qoraaga iyo qorayaasha kaleba.

 

Dhaxalreeb ayaa ah silsilad ay ku duugan tahay taariikh badan iyo waaya-aragnimo dheeri ah oo laga dhaxlayo mujaahidiinta iyo mudanta lagaga waramayo taxanahanba. Mida kale ee uu muhiimka ku yahay ayaa ah qoraaga taxanahan oo inta uu qoray iyo inka badanba u soo joogay farshaxinimo qoraal oo xeeldheerna ku qoray buugaagtan.

 

Somalilandpost Office, 2015