“Qoladan KULMIYE Kuma Raacsani Weerarka Tooska Ah Ee Ay Ku Qaadeen WADDANI, Markii Ay Nairobi Tageen” Cali-guray

(SL.Post.net) Siyaasiga  Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo dhawaan sheegay inuu mawqifkiisa siyaasadeed ku taageerayo musharraxa Madaxweynaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay eedihii muddooyinkan u dambeeyay isku jeediyeen xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE, waxaanu sheegay in xisbiga KULMIYE aanu ku raacsanayn eedahiii ay u jeediyeen weftigii xisbiga WADDANI ee dhawaan socdaalka ku tagay Kenya.

 

cali-guray42

“Maalmahan dhaweyd qaabka ay u dhaqmeen masuulyiinta xisbiyada ugu sareeya ee ay ku jiraan kuwa madatinimada dalkan ka doonaya qaabka ay u dhaqmeen waxaa ay aheyn sida ay u dhaqmaan ku yar yar ee 1994 dhashey ee Facebook yada ka murma .Qoladan KULMIYE runtii kulamaan socon weerarkii tooska ahaa ee ay ku qaadeen Xisbiga  WADDANI markii ay tageen Nairobi , xisbi qaran in uu toos u weeraro xisbi qaran oo kale anigu waan ka soo hor jeeda. ” ayuu yidhi Muj Cali Guray .

Halkan ka daawo.

Somalilandpost.net