Qodobbo ka soo Baxay Shir dalka Itoobiya ugu qabsoomay Guddiga Dib-u-habaynta Shaqaale-weynaha Somaliland iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Dhinaca Horumarka

Somalilandpost NewsAddis Ababa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland oo taageero ka helaysa hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska (DFID) iyo hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP, ayaa dejinaysa Qorshe dibu habayn ballaadhan lagu samaynayo tayada iyo tirada Shaqaalaha Dawladda.

Kulan ballaadhan oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya isla markaana ay ka qayb-galeen wefti ballaadhan oo ka socday Somaliland iyo hay’adaha DFID iyo UNDP, ayaa laga soo saaray lix qodob oo gundhig u noqonaya isbeddel ballaadhan oo lagu sameeyo tayada iyo tirada shaqaale weynaha Somaliland si loo dhimo baaxadda shaqo la’aanta ee dalka ka jirta.

Shirkan ayaa la sheegay inay qaban-qaabadiisa ay iska lahayd Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Ingiriiska (DFID), waxaana ujeeddadiisa lagu sheegay dib u habaynta Shaqaalaha Dawladda.

War-murtiyeed gaba-gabadii shirkaas laga soo saaray, ayaa lagu sheegay sidan: “Wefti ka kooban Wasiirka orshaynta, Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Wasiiru-dawlaha waxbarashada iyo tacliinta sare, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka, Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyoTacliinta Sare, Agaasimaha Madaxtooyada JSL, Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Maamul Wanaagga  ahna ku simaha Guddoomiyaha Guud.

MaxadkaTababarka Shaqaalaha, agaasimeyaasha waaxaha Qorshaynta ee wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga, iyo madaxa barnaamijka dib u habaynta maaliyadda dawladda ayaa shir ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia.

Shirkaas oo ay kala soo qaybgaleen madax ka socota hay’adda horrumarinta ee Ingriiska (DFID), Bangiga Aduunka, Midowga Yurub, hay’adda Barnaamijyada horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP), khubaro ka socda Machadka Caalamiga ah ee Maamulka Dawladda Ingriiska, iyo la-taliyaha Wasiirka Qorshaynta oo iyagu lahaa haggidda shirka.

Waxana Shirkan Abaabulkiisa lahaa hay’adda Horumarinta ee Ingriiska (DFID), ujeedadiisuna waxay ahayd sidii loo dardargelin lahaa dib u habaynta shaqaalaha dawladda.

Shirka oo socdey saddex maalmood 10-12 ka bishan waxaa dood badan laga galay sidii loo dardargelin lahaa tayeynta shaqaalaha hay’adaha dawladda, waxaana laysla qaatay qodobadan:-

  1. In guddidii madaxweynuhu hore ugu magacaabay dib u habaynta shaqaalaha dawladda loo sameeyo xoghayn fulisa hawl maalmeedka guddida.
  2. In la sameeyo guddi guud oo xidhiidhisa barnaamijyada dib u habayneed ee ka socda qaybaha kala duwan ee hay’adaha dawladda.
  3. In la fuliyo xeerka shaqaalaha dawladda god-daloolooyinka uu leeyahayna dib u eegis lagu sameeyo. Dib u habayntaa oo hay’adda shaqaaluhu soo curin-doonto.
  4. In muddada lagu jiro dib u eegista xeerkana, xeer madaxweyne lagu sii daboolo god-doloolooyinkiisa.
  5. In tababar loo sameeyo shaqaalaha dawladda, madax iyo minjaba, arrinkaas oo loo xilsaaray maxadkaTababarka Shaqaalaha dawlada.
  6. In la sameeyo Guddi ku meelgaadh ah oo loo xilsaaray meelmarinta go’aamadii ka soo baxay shirkan.”

SOMALILANDPOST.NET