Qodobbo ka soo baxay Kulan Markii Labaad Dhexmaray Madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha Mucaaradka Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  (Saylici) ayaa maanta markii labaad muddo todobaad ah kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo dhinac iyio Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa la xidhiidha sidii heshiis looga gaadhi lahaa khilaaf ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka iyo Guddiga dhowaan loo magacaabay maamulka hawsha doorashooyinka oo mucaaradku kalsooni-darro ka muujiyeen xubno ku jira.

Kulanka oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, waxa markii uu soo dhammaaday si wada-jir ah uga hadlay ujeeddada kulanka, madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanay shacbiga Somaliland ugu bushaareeyey in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka.

Muuqaalka Hoose ka daawo Shirka Jaraa’id ee Masuuliyiinta Qaranka