Qodobbada lagaga hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland iyo Warbixinno laga dhegaystay Wasaaradaha qaarkood

Kal-fadhigii 29-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 07/02/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasaaradaha Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Iyo Xannaanada Xoolaha & horumarinta Kalluumaysiga oo qorshe hawleedkooda ku soo bandhigay golaha.
Golaha wasiirada Somaliland
Ugu horrayn waxa golaha wasiirada warbixin siiyey wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka oo ku dheeraaday mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda iyo kuwa qorshaysan, waxaanu wasiirku faah-faahiyey habsami u socodka hirgelinta qorshaha labaad ee horumarinta qaranka. isagoo golaha la wadaagay mashaariicda waaweyn ee laga maalgelinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), EU, GIZ iyo hay’adaha kale ee caalamiga ahi ka fuliyaan dalka.
Mashaariicdaas oo ahmiyad weyn siinaya siyaasadda xukuumadda ee ku salaysan wax-soo saarka, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo waddooyinka. Sidoo kale wuxuu wasiirku xusay in sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) ay ku soo biirayaan dalal kale oo danaynaya inay qayb ka noqdaan sanduuqaasi, kuwaas oo ku qancay habka daah-furnaanta leh ee Jamhuuriyadda Somaliland u maamushay sanduuqa horumarinta Somaliland.
Dhinaca kale, wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha & horumarinta Kalluumaysiga, ayaa golaha u sharraxay hawlaha shaqo iyo hiigsiga waxqabad ee wasaaradda, waxaanu tilmaamay in xoolaha iyo kalluumaysigu laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha dalka, isla markaana wasaaraddu ku hawlan tahay sidii loo horumarin lahaa. Waxaanu dul istaagay inay diyaariyeen xeerarka kala ah:
1. Xeerka Qaranka ee Xannaanada Xoolaha.
2. Xeerka qaranka ee Karantiinada Xoolaha.
3. Xeerka Caanaha Iyo
4. Siyaasadda qaranka ee Xannaanada Xoolaha
Ugu danbayn garyaqaanka guud ee qaranka ayaa golaha wasiirada ka horjeediyey xeerka xafiiska garyaqaanka guud, waxaana golaha loo qaybiyey nuqullada xeerkaas.