Qiimeynta Macalimiinta – W/Q: Abdifatah

Sidee lagu ogaan karaa waxa Macalinku ku soo Kordhiyey Fasalka ama Ardeyda ee Cashar,Tarbiyad iyo Waano ah.sidee qof ku ogaan doonaa Macalinka wax dhigaya ama u Dhigayaa in uu yahay Midkii loo baahnaa ama la rabey.Ma marka uu Macalin tago Midkalena Yimaado Ayaa la ogaan doonaa in Midkii hore Wanaagsanaa Ardeydana si fiican wax ugu Dhigi Jirey.Mise Qorshe Tababar iyo ka war Heyn Ayaa lagu Ogaanayaa hadba halka Tayada Macalinku Mareyso.Wakhtigan Horta Ma ardeyda Ayaa is wada oo Iskood wax u barta,Mise Macalimiinta Ayaa si toos  ah loogu Xidhan yahay oo aan laga maarmi karin.Habka Macalimiinta Jaamacadaha wax ka Dhigta iyo Kuwa Dugsiyada Sare wax ka Dhiga Meel laguma wada Qiimeyn karo,Midna Ardeygu Maalin kasta wuu La Joogaa,Midna Todobaadkii Ayuu maalin la Kulmayaa.

Maanta Macalinimadu waxa ay ka Mid tahay Shaqooyinka ugu badan ee wadanka lagu hayo,Dadka ugu badan ayaa wax Dhigta labada Gelinba,Sidoo kale dadka ugu badan Ayaa wax dhiga ama macalimiin Noqdey.Dhinaca kalena Boqolaal qof oo kale Ayaa raba in ay macalinimada ku soo Biiraan ama Tijaabiyaan kuwaasi oo u soo Hanqal taagaya Dugsiyada sare iyo Jaamacadaha.Shaqada Keliya ee Hamiga u ah Dad badan ama lagugula Talinaayo Ayey noqotey in aad Macalin Noqoto.Waa dhab Waa Shaqo sharaf leh,Waa qof Aqoontiisii uga Faa,ideynaya wadankiisa,Waana Qof soo Saaraya Dad iyo Ardey ama Jiil cusub oo kuwii hore badala,Dhamaanteena Macalimiin ayaa wax inoo soo Dhigtey ama ina soo bartey,Hase ahaate wax kasta marka laga badiyo laguna bato Wuu Xumadaa,Wuuna Tayo beela ama Qiimo dhacaa.

Dad badan oo aan Laheyn xirfad macalinimo,Kalsooni aan Naftooda ku qabin,Aqoon buuran aan u laheyn waxa ay Dhigayaan,Ayaa danta iyo Wax raadis ka soo Gashey Macalinimada.Wey Jiraan Macalimiin hibo u leh wax Dhigista isla markaasina koobsadey Tayada Macalinim oo dhan Dhinaca kalena La siiyey Tababar Macalinimo,Waxaase buuxa kuwa Qasbaya oo Nolol maalmeedka ka raadinaya niyada aan ka Jecleyn oo ku meel gaadh ahaan u dhigaya kana tagi doona marka ay Helaan Shaqooyinkii ay ka Jeclaayeen.Miyaad Rumeysan tahay in Dhamaan Macalimiinta wax Dhigta oo dhan ay Heystaan tababar macalinimo,Miyaad qirsan tahay in Macalimiinta oo dhami ay Yihiin kuwo leh sifihii ama Tayadii ay wax ku dhig lahaayeen.

Dhinaca kale Waxaad Moodaa in Xitaa dad badan Hunguri ka Galay lacagaha Macalinimada lagu Helo,Qofkii oo Haayad u shaqeeya Ayaa raba in marka uu Galabta xafiiska ka tago in uu Jaamacadana sii Maro uu halkaasina gacanta sii Mariyo.Lama diidana in dadka qaarkood 2 ama 3 shaqo isku Heystaan.Ninka Ngo Concerntrated ku ahi Muxuu ku soo Kordhin karaa Hawl macalinimo u baahan wakhti ka badan midka uu ku bixiyo Shaqada Haayadiisa.

Somaliland haddaba marka wakhtigan la Joogo Sidee Ayaa macalinka lagu Qiimeeyaa.Ma in ay isku Asxaab yihiin Maamulka oo garasho ka Dhaxeyso,Ma in uu Qaraabada yahay oo la garanaayo,Ma qabiilkiisa,Ma Xidhiidhka saaxibtinimo ee uu ardeyda la Yeesho,Ma Derajada imtixaanka oo uu Wanaajiyo Ardeyda.Ma Maadada oo uu si fiican u yaqaano,Ma Habka gudbinta iyo sharaxaadiisa oo wanaagsan, Ma tababar Macalinimo oo aad siisey,Ma Akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan,Balanta iyo daacadnimada,Cadaalada,iyo Balwad la,aanta.Ma dabacsananta iyo Naxariista ama Cafinta gefka,Ma cashar Jilcinta,Ma waxqabadka dheeraadka ah ee u ardeyda siiyo,Ma niyad iyo Kalsooni dhiska ardeyda.

Imtixaanka iyo Derajada fiican ee ardeygu keeno ama in uu Gudbaa Ma  waxa ay ka turjumeysaa in Macalinku wanaagsanaa.Macalinkuse ma Noqon karaa Mid ku xisaabtama hadba Mushaharka la siiyo oo Awoodiisana ku kooba wixii la siiyo.

Maxaa Macalimiinta loo Qimeynayaa,Waa in la ogaado Kuwooda Fiican,Waa in la ogaado kuwaada  Xun,si haddii wax loo qaban karo loo Kobciyo Dhaqankooda iyo Aqoontooda oo aan mararka  qaar la eryin.Waa in la Fasaxo la iskana Eryo Macalimiinta aan u qalmin in ay wax dhigaan.Marar badan waxa Macalimiinta loo Qiimeeya waa Siyaasad ah in la dhimo ama la Eryo Qaarkood.

Macalinka Somaliland wakhtigan Jooga waan Ogahahay in meelo badan Danta lagaga faa,ideysanaayo oo waxyar la siinaayo isaga oo Shaqo badan loo Direy,Haddii uu hadlana lagu Odhanaayo iska tag Mid kale oo raali ka ah Ayaanu heleynaaye.Haddii 3000 kun oo Ardey Dhigtaan Dugsiga,Macalinkuna 200 Bishii qaato.Raga Gadhka weyn la wada baxeyna oo Xafiisaadka iska dhex Qoslayaana ay 1,000$ Fadhiga ku Qaataan Waa Soomaali iyo Dhaqankeed.Waana arinta keentay in Macalimiin badani Ciilka iyaguna meel gaar ah iska Furtaan.

Macalin soo Saaraya Qof tarbiyad leh,Aqoon leh,Kalsooni leh,Hadal wanaagsan,Xishood iyo Maskax wanaagsani ay ku dhee han tahay, Dabeecad,Diin iyo dadnimo,Xirfad  iwm Wuu buuxaa,Kheyrna uga socdo Shaqadiisa.Macalimiin Khibrad waayo aragnimo u leh Nolosha iyo waxa ay Dhigayaan,Ardeygana Tusaaleyaal Waaqici ah wax ugu Sharaxa Wey Buuxaan.Macalin,Macalimiinta ka khibrada badan leh la tashada,Waxbarashadiisana kor u qaada Wuu buuxaa.Macalimiin leh Tababar macalinimo wey Buuxaan.Laakin waxa kale oo buuxa kuwa Jaadka iyo sigaarka ku mamey,Ardeydana bara dhaqan xumada ama aan Casharada loogu dhiibey si fiican ugu dhigin kuna Dhameyn wakhtiga la siiyey.Macalinka isaga oo sigaar soo cabey Fasalka soo Galaya ka waran,Midka isaga oo Imtixaan ilaalinaya raba in uu ku dhex cabo ka waran.

Maamulka  fasalka,Cashar diyaarinta,Imtixaanada,Natiijada,Cashar gudbinta,Balwadaha,Lebiska iyo Nadaafadiisa,Wakhtiga,Wada shaqeynta Xafiiska iyo Macalimiinta,Hirgelinta Sharciyada dugsiga,Xalinta Khilaafaadka Ardeyda,Xidhiidhka waalidkala talin,Tababar macalinimo iwm Ayaa lagugu qiimeyn doonaa.Mararka qaar Da,da iyo Dhererkaaga Ayaa la eegi doona Muqaal ahaan intaan lagu qaadan.Ku darso Macalimiin cajaladii hore ah oo wada gaboobey ayaa wadanka kula jooga kuwaasi oo raba in iyaga la siiyo fursad kasta.

Abdifataah Mahamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com