Qiimeyn Guud Tartankii Ciyaaraha-3 – W/Q: Axmed Carwo

carwoWaxa inaga soo dhexgashay qiimeyntan ooy ahayd inaan mar hore sameeyo damaashadkii iyo mashxaradii cadada inoo ahayd kolka cid cusub la magacaabo. Waa dabeecad wacan oo soo dhoweynta ayeynu can ku nahay. Haddaba aan toos u abaaro ciyaarihii goballada iyo waxii dhacay iyo sidaan u arkay.

Horaan hanablyo ayaan u dirayaa Wasiirka iyo shaqaalaha wasaaradda iyo intii hawsha muggaas leh isku soo dubariday. Tartanku aad ayuu uga cuslaa ugana badnaa kii kal hore. Waxa kubbaddu dhex taalay 13 Gobal.

Dhibta ugu weyni waxay ka timid goballadan qabiileysan een haddana afka mooye aan maamul ahaan dhisnayn. Waana masiib ina sugaysa wax qabadkeedu. Waaa goballo fiirsasho la’aan loo magacaabay dalkuna qaadi karin, ummaddana kala qaybin iyo gobal beeleysan ka dhigaysa. Waana fikirkani kii aynu KULMIYE ahaan qabnay, welina ah kan hagaagsan ee bulshadu badi aaminsantay. Haddii Gobollo la sameynaayo ha noqdaan qaar ayna lahayn beel keliye. Hana noqdaan qaar dhaqaale ahaan is bixin kara, dalkana wax ku soo kordhin kara.Yaan arrintan lagu eegin xukuumadda oo keliye. Waa mid u baahan in la gorfeeyo oo danta guud la wado eego mucaarid iyo muxaafidba. Go’aan wadajir ah ayaa wax lagaga qaban kara . Waxay leedahay culays siyaasadeed oon xukuumaddu keli riixi karin.

Taas waxa xigtay garsoorayaasha oo u muuqday dar aan la siin tababar farsamo iyo mid sharciba, Waxay u muuqdeen qaar aan maareyn karin qaska yar ee garoonka ka dhaca. Askarta iyo mas’uulinta soo farogeliyana aan joojin Karin, oon xataa iskuba deyin inuu la hadlo. Garoonka isagaa ka ah madax aan cidi uga sareyn cid amarkiisa heysata ayuunba soo geli karta. Askartuna isagay amar ka sugaan.

Waxa iyana jirtay inaan sharci jirin sheegaya ciyaartooygu siday ugu ciyaari karaan gobal. Waxa aynu naqaanay in ardaygu u ciyaaro halka uu iskuulka iyo jaamacdada kaga jiro ee ayna ahayn halkuu abtirseen ahaan ka soo jeedo. Waxa iyana la yaab ah inuu marba qof keliye gobal u ciyaaro. Waxa habboon in sharci cad laga soo saaro cidda u ciyaari karata gobal kolka uu gobal u ciyaaran aanu marnaba gobal kale u ciyaari karin, kolka la eego ciyaarha goballada, bal see uu kooxo kale oo magaalooyin kale ah ka ciyaari karo. Calaa kuli xaal sharci tafaasiil leh ayaa loo baahan yahay.

Caasuumadaha kooxaha waxa habboon in furitaanka dhammaan kooxaha la casuumo hal mar oo keliya. Xukuumaddu ma aha in mas’uul waliba gobalkiisa casuumo. Dhaqaale ahaan waa khasaare magac ahaan waa liidnimo iyo qaybsanaan. Magaca xukuumadda waa in hal mar oo qudha si wadajir ah loo casuumaa. Kolka dambe gobalada koobabka qaata iyana waa in casuumad wadajir ah lagu sagootiyaa.

Dhinaca farsamada, kol haddaanu garoonku ahayn cagaar waa in shabaga goolka la mariyaa rinjiga cagaaran , lagana dhigaa nooca caalamku kubadda ku cayaaro oo gudadka waaweyn ee kubbaddu ka dusayso amba daloolinayso la yareeya.

Halka ay fadhiyaan ciyaartooyga iyo tababarayaashu waa in loo sameeya hadh. Teeda kale waxay ahyd arrin adag in ciyaarta la bilaabo 2 duhurnimo. Waxa aniga ila wacnaa in hal ciyaar maalintii la ciyaaro, oo dadku runtii madadaalo iyo arrin ay qaadka kaga maarmaan ayey heleen muddada loo dheereeyo, dhalintana wey u wacnayd ee inay intaas dhaqaale ahaan dusha loo rito ayaa habboonayd.

Yaan la iloobin wiilasha kubbadda soo qabqabanaayey, ha la siiyo labis wacan iyo waliba in afarta geesood loo dhiibo afar kubadood ooyna sugin kubadda meesha fog lagu laaday ee markiiba ay soo dhiibaan tan ay gacanta ku hayeen.

Qalad  weyni waxuu ka jiray dhinaca waqtiga. Ma garan karo saacadda TVga iyo siidhiwalaha waxay u wada socon waayeen. Inta badan iska daa waqtigii lumay oo uu ku daro, ee iyadoo weli dhowr daqiiqadood hadhsantay dhinaca TVga ayaa dhamaadkii la afuufi jiray. Waana arrin  u baahan dib u eegid.

Kolkaad guud ahaan qiimeyso iyo duruufaha dalka ka taagnaa, waxay ahyd dhacdo guul iyo reynreyn ku dhammaatay, nabad iyo wadajir ku dhammaatay, oo laga soo kabtay qaskii hadheeyey bilowgii. Waxa nabarka ugu weyni ahaa kii kooxda Togdheer gaadhay, oon ku tilmaami karo ayaan darro.

Ugu dambeyn waxaan hanbalyeynayaa hawlwadeenadii guushan soo hooyey, dhaliishuna waa toosin, waana mid inoo dhex ah iyo daris aynu wax ku barano. Xaasha ee waxba meydaan hagran, qaladkii dhacana waad ka dabotegteen, waxayna inoogu dhammaatay farxad iyo kaftan bari iyo galbeed ah, oo maanta ciyaari waa Galbeed, laakiin kal dambena waa sanad kale iyo Bariyoo aargoosi oo waliba Togdheer ay ceebta sanadkan raacday ku dhaarsan tahay inay ku meydho koobka kal dambe..waa ayaamo tirsan ee Galbeed yuuna guusha ku sakhraamin..

Aad ayaan u xiiseeya una jeceley ciyaaraha, waaxaan isku dayi inaan kalin ka qaato horumarinta ciyaaraha.

Guul iyo horumarinta ciyaaraha iyo dhallinta.

Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalahaa