Qiimee qofkaagii 6-da bilood loo qaylinayey, ma Shahaado-qalalan buu ku dambeeyey?! – W/Q: Cabdicasiis Maxamed

abdiaziz1Qiso waliba layaab leh,qiimeynina qofkeed leh! Waxay ahayd dhowr bilood ka hor markii uu Sulub caalin uu ku dhawaaqay barnaamijkiisan la magac baxay qiimee qofkaaga.waxa uu ahaa cinwaan ama magac soo jiidasho iyo niyad fiicani ku dheehantahay.laba wareysi uu Sulub caalin siiyey Tv ga Horn cable ka ayaan daawaday laba habeen oo kala duwan,wareysigan oo uu ka qaaday wariye magaciisa la yidhaahdo: Siciid guraase.labadan wareysiba waan dhameystay si aan u fahmo barnaamjikan sulub caalin.waxa uu ku nuuxnuuxsaday si ay ku jirto naxariis muwaadin nimo leh, in uu doonaayo in la qiimeeyo qofka wax u soo qabtay dalkan mudadii uu jiray.waxa ka mid ahaa erayadii uu ku celceliyey labadaas barnaamijba(Waxaad arkaysaa oo aad ka naxaysaa qof abwaan ah ama fannaan ah  oo aynu ku raxaysaneyno erayadiisii iyo wixii uu inoo qabtay oo ku odhanaaya 1000 shilin isii…..!! ama koob shaah ah iga bixi…!!!!) waxa igu kalifay barnaamijkan waa arrintaas oo waxaanan doonaynaa in aan dadkeennaa baahida ka saarno oo aan wax u qabanno) waxa kaloo ka mid ah akhriste waxyaabii kale ee uu soo hadal qaaday mudane sulub caalin oo aan qadarin u hayo,oo ay barashadiisu iigu horeysay barnaamijkaas aan daawaday…waxa uu yidhi:((qofkii wax inoo qabtay waxa uu dhimanayaa isaga oo aynaan odhan(mahadsanid).runtii labadaas arrimood ee aan soo sheegay waxay ahaayeen,erayo anniga taabtay dareenkeyga shakhsi iyo nafeed ba oo aan ugu bogay sulub caalin.hadaba halkey sartu ka qudhuntay ama wax ka si noqdeen. Shalay bay ahayd markii lagu dhawaaqay barnaamijkaas oo muddo lix bilood ah loo yaboohayey in gacan dhaqaale lagu soo darsado ama qof la soo xusho.warbaahinta meelkasta waa la galiyey.Jaraaidkaad qaadaba waxa ku yaalla (qiimee qofkaaga si aad qiimo u yeelato).hadaba dadkii reer hargeysa su’aalo badan ayay isweydiinayaan oo u baahan in looga jawaabo oo uu sulub caalin ka soo jawaabo:

1. Qiimee qofkaaga ma waxa loogu talo galay nin ladan oo lacag haysta in shaahado sharaf la siiyo?

2. Ma waxa loogu talo galay nin xil haya oo dadku jecel yihiin ama neceb yihiin la siiyo shaahado sharaf aan wax kale la socon?

3.Ma waxa loogu talo galay dadkii wax ku soo kordhiyey bulshada Somaliland ee hadda aan lahayn  dhaqaale ku filan,loogu ururiyo dhaqaale ay noloshooda ku soo kabaa?

4.Ma waxa loogu talo galay nin aan waligii ri gees ka ridan oo aan rookood horomar dhigin in la guudoon siiyo shaahado muwaadin bixinaayo oo aan guddi loo saaray bixineyn?

5.Mee dhaqaalihii loo ururiyey barnaamijkan inta badan loo qaylinaayey ?

6.Mee dadkii danyarta ahaa ee sulub caalin lahaa 1000  shilin ayay ku waydiisanayaan? Ama koob shaaha ayay ii shub ku odhanayaan?

7.Ma ku jiraa ama ma ku jirtaa nin ama gabadh aroortii baabuur   aan ku shaqo tagin 100kan  qof?

8.Maxay shaahado sharaf u qaban qof dhintay,dadkii sii oo wax loo qabto intii la awoodo miyeyna ka fiicneyn?

9.Mee dadkii ama waalidkii dhalay raggii naftooda ku waayey dagaalkii dhacay hargeysa ee faqash lagaga saaray,qofna kuma jiro 100 qof?

10.Qiimee qofkaaga maxaa looga saaray dad hore loogu sheegay in ay ku soo bixi doonaan liiska oo uu  sulub caalin afkiisa u gaga sheegay in ay ku jiraan? Sida: (Abwaan Axmed awgeedi,dheeraad) oo kale.

Su’aalahaas oo dhan ayay dadku aad isku waydiinayaan.laakiin anigu waxaan aad iyo aad uga xanaaqay ama aanan waligey iloobayn hadalkii ahaa:1000  shilin ama koob shaaha ayuu qof abwaan ah ama fanaan ah oo aynu ku raxaysnno wuxuu soo kordhiyey ayaan maskaxdayda waligeed ka baxayn iyadoon wax loo qaban.Sulub caalin na su’aashi 1000 iyo koob kii shaaha suuqii wali sidii baa loogu waydiindoonaa.barnaamijkiisiina wax ba muu daweyn.!! 100 qof oo habeenkasta warbaahinta laga daawado uun buu ku taxay shaahado aan amaal marin kale la socon…………dadkii baahnaa ee sulub caalin inoo sheegaayeyna wali 1000kii shilin way u baahan yihiin iyo koobkii shaaha ahaa…!!! Sulub caalin na 100 qof oo isku filnaaday ama aan koob-shaaha ka warwareyn ayuu Shaahado siiyey…!!!!!!!! Waa Caajiib!!!!!!!!!

Soomaalidu nin wax haystey,wax ugu dartaa!!!!!!!!!!!!!!

Qiimee qofkaagii ma waxa uu noqday Shahaado-qalalan????????????

Qore:C/casiis Maxamed Yoonis(ansaari).

Macalin dhiga luuqadda ingiriisiga.

Tell: 00 252 2 4175733/email: ansaari25@hotmail.com.

Hargeysa,Somaliland.