Qeybid Mise Fahmid – W/Q: Ceelaabe

Inta badan Dadkeenu kama Hadlaan Arimaha waxbarashada,Waxaanad Moodaa in Xitaa kuwa Waxbarashada ku Takhasusey aaney inooga tagi Karin Khibradihii iyo Waayo aragnimadii waxbarasho oo Qoran.Waxa Maskaxdeena dagay oo inta badan aan ku Haminaa sidii aan Siyaasada wax uga Qori laheyn ama iyada la inoogu baran lahaa.Hadaan hadaba u soo Noqono Ujeedada Qoraalkan “Ardeydu marka ay wax baraneyso ma waxa ku Badan in ay Wax Fahmaan Mise in ay wax Qeybaan oo ay Dusha ka qabtaan ama Xafidaan iyaga oo aan Xitaa Fahansaneyn.Wey Dhici kartaa in qofku xafido ama Qeybo dushana ka qabto wax uu fahansan yahay una Dhacey,laakiin waxa badan in aan Qeybno mararka qaarkood wax aanad fahansaneyn oo aan Macnahoodu kuuba Dhicin Adiga oo Imtixaan ama xaalado kugu soo socda kaga Diyaar garoobaya.

Waxa la fahmo inta badan lama ilaawo,lamana Dayaco,hase ahaate wixii la Qeybo iyada oo aan la garawsan Macnahooda dhabta ah,Waxa suurta gal ah in la ilaawo ama uu meesha dhakhso uga baxo.In aad si niyad ah ama Fahan Maskaxeed iyo Qalbiga oo aad u raarido wax ku Akhrido waa ta ku dhaxalsiineysa in aad kalsooni buuxda ka qaado waxaasi in aad fahantay marka aad akhrido,Waana marka aad dad badan oo kale u sheegi karto ugana faa,ideyn doonto wixii aad fahantay isla markaasina Macnahooda la soo baxdey.

in aynu Dusha wax ka qabano ama Xafidnaa iyaduna maaha mid meesha ka baxeysa,hase ahaate Waxa ka muhiimsan in aad wax fahanto iskuna diyaariso in aad adigu qorto  wixii aad fahantay Mustaqbalka.Arintaasi waxa ay ku xidhan tahay hadba sida ay u dhisan tahay qofka Luqadaasi uu wax ku gudbinaayo ama wax ku qoraayo si uu aragtiyihiisa la xidhiidha wixii uu ka fahmay casharada ugu qoro mid isaga u gaar ah laakiin quseysa wixii la dhigay uun.Dad baa wax kasta dusha ka qabta,kuna Xiiqa isla markaasina wakhtiyada Imtixaanada sidii uun u qora ay ku soo xafideen,Buugaag dhan iyo Qodobo badan oo english ah ama hadalo ku Jira casharada Ayaa la xafidayaa la iskana Dhageystaa loona qoraa sidii ay ahaayeen marka imtixaanka la soo Fadhiisto.Ardeyna inta uu soo Akhristo soona Fahmo Ayuu isku dayaa in uu Aragti ku saleysan Luqadiisa ka dhiibto Su,aalaha la weydiiyey mana soo Xafido Englishka ku qoran Buuga uu heysto.

Tartanka Dhibcaha iyo Darajada imtixaanada ayaa keeneysa in aad xafido wax badan si aanad imtixaanka ugu dhicin.Xasuusta Maskaxdeenu waa Awood badan tahay,waxna wey heyn karta,Midkee kula haboon in aad maskaxda uga faa,ideysato in ay fahanto kadibna qorto iyo in ay xafido ka dibna qorto marka danbe kala ilawdo oo wixii muddo yar oo gaaban kaga baxo.Maxaad wax akhridey ama Xafidey oo beryo Qeybsanaan Jirtey laakin maanta maskaxdaada ka baxey,Maxaadse wax fahantay oo hadana ilaa Maanta aad heysaa.Wakhtiyada imtixaanka keliya in aan wax Akhrino ama wax ku Qeybno kuna diyaar garowno 7 cisho ardeyna maalin kasta casharka isha mariyo ama iska sii Akhriyo Maxey ka turjumeysaa.

Quraanka Ayaa ka mid ah waxyaabaha la xafido una baahan in aad Dusha ka qabato,Hadana muddo yar gudaheed lagu ilaawo hadii aan la daba socon oo aan laga war heynin.Waa suurta gal in Tafsiirka aayadaha aad fahantey aanadi ilaawin,waxaase dhaceysa in aad soo Qabanweydo isla aayadii ama suuuradii lagaa rabey,Maxaa Yeelay wax kasta oo la xafido oo aan Akhris joogto ah lagu heynin wuu baxsanayaa.Qaacidooyinka Xiisaabaadka iyo Sayniska Ayaana ah kuwo inta badan in la xafido ama la soo qorto ka hor Imtixaanadana loo baahdo.

Macalinka ayey tahay in uu Ardeyda Kalsooni ku beero la Xidhiidha Habka Jawaabaha iyo Imtixaanada.Marka Jaamacada lagu Jiro iyo marka dugsiyada hoose/dhexe/sare lagu jiro waa in ay Jirtaa kala duwaansho xaga Imtixaanka ah ama Qorida ah.Dugsiyada Hoose/Dhexe Ardeygu Keliya wuxuu ku badbaadayaa in uu Xafido dushana ka soo qabto casharada,Qaacidooyinka,Qodobada iyo Gabayada soomaali.In aad fahantaa waa in aad horumarisey Maskaxdaada laakin in aad Qeybtaa waa in aad Cusleysey.

in Qofka laga dhageysto laguna Qaraaco usha ama Cabsi uu dusha uga qabto Ayaana ka Jirta Malcaamadaha ama Madarisadaha iyo meelo kaleba.Intii ka horeysey daabacada buugaagta ama Internetkana waxa loo badnaa dadka wax xafida,hase ahaate casrigan aad bey dadka ugu adag tahay in ay wax qeybaan ama xafidaan.Wakhtiga yaraanta ama caruurnimadana waxa labada fiican in aad wax xafido.Magacyada,Magaalo,Address,Lambar Mobile etc Ayaa xitaa xafidid kaaga baahan.In aad degdeg u sheegto waa faa,idada wax Qeybida.in aad Fahantaana waxa ay kaa dhigeysaa in aad adigu hal  abuure noqoto Wax iskii u qori kara isaga oo Isticmaalaya erayo u gaar ah oo uu ku sharaxaayo wixii la weydiiyey.

Waxbarashadu maaha in aad wax kasta xafido,Waa Jid dheer oo xafidid iyo Fahan intaba ku Jiro,Laakiin fahanka ayey iskugu biyo Shubaneysaa.Aniguba beri Ayaa Jirtey aan wax xafidi jirey,laakin maanta waxa aan ahey  dadka taageersan in aad fahanto wixii laguu Dhigey Meelo badan oo aanad wada Xafidin.Qodobada Muhiimka ah,Xeerarka iyo Sharciyada lagamamaarmaanka ah,Erayada Luqada Englishka ama Naxwaha luqada,Cilmiga barashada Computer oo u baahan in aad Xasuusnaato Menu kaladuwan Ayaa ah waxyaabaha ay tahay in aynu Xafidno ama Xasuusteena ku Heyno oo aaney marna ka bixin.Waa wax la ilaawo kana baxsada Maskaxda oo uu baahan in in badan lagu celceliyo  Dhinaca Fahanka,Akhriska iyo Xafidida intaba.

Isku soo wada duub Waxbarashada ku saleysan in Ardeygu wax Soo xafido ama casharka dusha ka hayaa waa Mid Jirta,Macalimiin badan Ayaana ardeyda ka dhageysta kuna Qaraaca wixii ay u dhigeen marka ay ka wayaan,Kuwaasi oo Imtixaanadana wixii Dusha ay ka Xafideen raba in ay Qoraan.Fahanka iyo Tijaabada Ardeyga ee ku saleysan in uu Luqadiisa ku qoro wixii uu fahmeyna waa Mida aynu u socono.Furaha Fahanka iyo Qorida Casharkii aad barateyna waxa kuu haya hadba inta aad ka taqaano kana qori karto Luqada waxbarashada aad ku dhigato si Macalinku u fahmo Aragtidaada ku saleysan Jawaabta aad ka bixineyso Su,aasha lagu weydiiyey.