Qayla-dhaan ka soo yeedhay Xukuumadda Somaliland oo Walaac ka Muujisay Xaaladda Cudurka Covid-19 ee dalka

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda Xannuunka Covid-19 oo mar kale si xawli ah ugu fidaya dalka.

Heerka kor u kaca cudurka ayaa laga dareemayaa tirada dadka laga baadhay iyo kuwa laga helay labadii bilood ee u dambeeyey, iyadoo bishan September ee lagu jiro laga helay in ka badan laba boqol oo qof.

Labadii bilood ee u dambeeyey baadhitaano ay Wasaaradda Caafimaadku ku sameeyeen 15,955 waxa cudurka laga helay 1,167 qof, waxaana u geeriyooday 66 Qof, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Gaafaadhi oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.

Wasiir Gaafaadhi oo ay weheliyaan Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo Diinta $ Aw-Qaafta Cabdirisaaq Al-baani, ayaa shacabka Somaliland si wada-jir ah ugu diray baaq ku saabsan halista Covid-19 iyo fiditaankiisa.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Qayla-dhaanka ka soo yeedhay Xukuumadda Somaliland