Qaraxyo Ismiidaamin ah oo galaaftay nolosha daraasiin dadka ah magaalada Baqdaad

Baqdaad, 24 January, 2012 (SLpost)- Saddex iyo toban qof ayaa maanta ku dhintay caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad, halka inka badan todobaatan  qofna ku dhaawacmeen , ka dib markii qaraxyo ismiidaamin ah lagu fuliyey goobo kale duwanoo ku yaala magaaladaasi .

Qaraxyadan oo loo adeegsaday baabuuro waxa uu ka dhacay kii u horeeyey  degmada Sadar ka labaadna  waqooyiga Baqdaad, hase yeeshee waxa la sheegayaa  in  dadka dhintay  amaba dhaawacmay ku jiraan dumar iyo caruur ah .

Geesta kale,  qaraxyadan inta badan ka dhaca dalka Ciraaq  ayaa lala xidhiidhiya khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya  madaxda Suniyiinta iyo Shiicada , taas oo maanta  qaraxyadii dhacay lala bartilmaansaday gobaha ay ku badan yihiin  dad aaminsan  mad-habta  Shiicada.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net