Qaraxyo galaaftay nolosha dad badan oo ka dhacay Caasimadda Dalka Suuriya

Hargeysa, 17 March, 2012 (SLpost)- Wasaaradda  Caafimaadka  ee dalka Suuriya  ayaa maanta  sheegatay in ay  dhinteen  todoba  iyo labaatan qof,  halka tiro badanina  ku dhaawacantay  ka dib markii laba qaraxay  ka dhaceen  caasimadda dalkaasi ee Dimishiq.

Saraakiisha caafimaadku waxa ay  intaasi ku dareen  in  qaraxii u horeeyey  ka dhacay  xarunta  saldhigga  ciidamada Wardoonka  ee dalkaasi,  halka  qaraxa kalena uu ka dhacay  irridda  xarunta  television-ka iyo  idaacadda   qaranka  dalkaasi,  taas oo loo adeegsaday  laba baabuur  oo laga  soo buuxiyey  walxaha  qaraxa.

Dhinaca  kale,  maamulka  Suuriya waxa  ay  ku eedeeyeen labadaasi qarax  kooxaha argagixisada  ah  ee  ka soo horjeeda  xukuumadda dalkaasi ee rabshadaha  iyo dagaalka ka wada.

Labadan  qarax  ayaa imanaya wakhti ergayga  gaarka ah  ee qaramada  midoobay iyo jaamacadda carabtu u igmatay xal  u helida  dalkaasi Mr  Koofi Anan   uu sheegay in uu dalkasi u diri doono goob-jooga yaal  caalami ah  oo ka warrama  xaaladda runta ah  ee dalkaasi  ka jirtaa.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net