Qarax Xoogan Oo Ruxay Dalka Turkiga

ISTANBUL(SLpost)-Guddoomiyaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegay in qarax Talaadada (1/12/2016) ka dhacay degmada taariikhiga ah ee Sultanahmet uu dilay ugu yaraan 10 qof, islamarkaana dhaawacay 15 kale.

DBBFBAE7-EA0E-47E6-BEDC-8001DB6D025D_w640_r1_s

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in qaraxa uu ka dambeeyey qof ismiidaamiyey oo u dhashay dalka Syria. Dad goob joogayaal ah ayaa qarax ku sheegay inuu ahaa mid dhowaqiisa aad u xoogganaa oo ruxay dhulka.

Sultanahmet waa goob aad loogu dalxiis tago oo ku taalla Istanbul, waxaana ku yaalla masjidka taariikhiga ah ee Bulugga (Blue Mosque). Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa isgu yeeray kulan ammaan oo deg deg ah kadib qaraxa.

Turkey ayaa waxa ay heegan uga jirtay weerar tan iyo labadii weerar ee bishii October ee 2015, kuwaasi oo in ka badan 100 qof ku dilay meel dibedda ka ah xarun tareen oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Ankara.