Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lala Beegsaday Cusbitaal Ku Yaala Dalka

Quetta (SL.Post) Ugu yaraan 40 qof, ayaa ku dhimatay qarax maanta lala beegsaday Cusbitaal ku yaal magaalada Quetta ee dalka Pakistan.

 

 

Pakistan-Qarax-Quetta
Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa mid uu geystay qof isa soo miidaamiyey ayaa lala beegsaday qeybta gurmadka degdeg oo xiligaasi la keenay Maydka nin Qareen ah oo saacado kahor la khaarijiyey, waxaana xiligaasi goobta ku sugnaa Qareeno badan iyo qoyska marxuumkaasi.

 

 

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad gaadhaya 50, iyadoo la filayo in dhimashada ay sii korodho.

 

 

Illaa iyo hada ma jirto koox sheegatay inay weerarkan ka danbeysay, hase yeeshee weerarada noocaan ah ayaa lagu yaqaan kooxda TTP ee Talibanka Pakistaan.

 
Somalilandpost.