Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Suuqa Beerta Ee Magalada Muqdisho

November 26 (Slpost.net)— Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay degmada Waabari, gaar ahaan Suuq Beerta, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Dadka ugu badan ee ku waxyeeloobay qaraxa ayaa ahaa haween iibinayay qudaar oo ku sugnaa Suuqa Beerta ee degmada Waabari.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qarxay oo ahaa mid goobta la dhigay, waxaana laamaha ammaanka ay xaqiijiyeen in gacanta lagu dhigay qofkii waday gaariga.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in illaa 10 ruux ay arkeen oo dhintay, halka 20 kalena ay dhaawacmeen, waxaana qaraxa uu ahaa mid saameeyay goobta oo dhan.

 

Qaraxan ayaa dhacay xilli wadada loo xidhay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Munaasabad dib loogu furayo Iskuulka 21 October ee ku yaala wadada Afisyooni.

La soco wixii warar ee ku soo kordha