QARANJOOG ILAA QURBEJOOG: Cabdillaahi Saleebaan Bidde (Kulanka Gorfeynta) Qaybta 1aad

Advertisement

Waa wareysi taxane ah, oo soo bandhigaya geeddigii nololeed ee Cabdillaahi Saleebaan Bidde, noloshiisii hore, tii dhexe iyo tii danbe oo nolosha qurbuhu ugu ballaadhan tahay. Waa maansoyahan, siyaasi, odey dhaqameed, aqoonyahan iyo taariikh ururiye. Waxa uu soo maray nolol koobsanaysa: xil dawladeed oo uu soo qabtay, xadhig iyo xaalad jabhadayn ah.

Wareysigan oo qayb ka ah barnaamijka KULANKA GORFAYNTA, oo uu saare ka yahay Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare”, qaybtiisa koowaad waxaad ku daawan doontaan noloshii hore ee Cabdilaahi Saleebaan, halkii uu ku dhashay ee uu ku barbaaray iyo taxanihii waxbarashadiisa.

Advertisement