Qaramadda Midobay Iyo African Union Oo Ka Digay Sansaanta Colaadeed Ee ka Muuqata Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland

UN (SLPOST)-Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa markii u horeysay caddeeyey inay walaac ka qabaan xiisadda isa soo taraysa ee ka taagan Gobolka sanaag, halkaasoo ismaandhaafka xuduud ee u dhaxeya Puntland iyo Somaliland ka soo cusboonaaday.

Kay-300x192

Nickolas kay oo ka hadlayay shir  ay yeesheen Guddiga nabadgalyada iyo amaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa ku baaqay in arrintan la dejiyo.

 ‘’ Waxaan ka walaacsanahay xiisada milateri ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ee gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana ugu yeerayaa deganaansho iyo in laga hortago iska hor imaad,’’ ayuu sheegay isagoo warbixin kaga hadlayay xaalada Soomaaliya ee u dambeeyay.Kay

Hadalka danjiraha ayaa ku soo beegmaysa xili dhaqdhaqaaq milateri ay labada dhinac ka wadaan bariga Sanaag, halkaasoo ay ku muransanaayeen muddo dheer.

Waxaanu khilaafkani soo cusboonaaday markii Maamulka Puntland uu dhaleecayn iyo dhaqdhaqaaq Milateri kaga jawaabay booqasho Madaxweynaha Somaliland ku tegay degmada laasqoray oo ku taala Dhulka Somaliland marka la eego xuduudkii Lixdankii u yaalay Somalida, ka hor intii aanay midoobin waqooyi iyo Koonfur.

Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyay ee Deegaanadaasi naga soo gaadha ayaa sheegaya inay xaaladu wali degentahay, isla markaana Ciidamo Somaliland ka socdaa gaadheen degmada Carmala oo 75km u jirta Badhan.

Xiisada u dhaxaysa labada dhinac ayaa wali ku kooban Hanjabaado iyo eeddeymo afka ah, waxaase si weyn isha loogu hayaa in Madaxweynaha Puntland yimaado Bariga sanaag, taasoo laga war war qabo hadii ay dhacdo in iska hor-imaad iman karo.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland