Qaramada Midoobay oo Ka Markhaati-kacday Saamaynta Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ku yeeshay Gobolka

 

Hargeysa (SLpost)- Qaramada Midoobay, ayaa ka hadashay Ahmiyadda Gobolka Geeska Afrika uu u leeyahay Qaaradda Afrika iyo guud ahaan Caalamka.

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo War-bixin siiyey Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ka hadlay sida Dalalka Adduunku u danaynayaan Gobolka Geeska Afrika, taana ay muujinayso xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Taiwan la samaysatay Somaliland, inkasta oo ay labadooduba yihiin Dalal raadinaya Aqoonsi Caalami ah.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa yidhi, “Dhawaanahan waxa kor u kacay muhiimmadda Qaaradda Afrika iyo Adduun-weynaha u leeyahay Gobolku, iyadoo Taipei xidhiidh diblumaasiyadeed la samaynayso Somaliland.”

James Swan wuxuu sheegay in Somaliland ay Aqoonsi Caalami ah raadsanayso sida Taiwan oo kale “Somaliland, sida Taiwan oo kale, waxay raadineysaa aqoonsi caalami ah”.

 

@Geeska Afrika Newspaper