Qaramada Midoobay Oo Cambaareeyay Qarax Lala Beegsaday Safaaradda Dalka Spain Ku Leeyahay Libya

LibyaTripoli, (SLP)- Madaxa hawl-galka lagu taageero dalka Libya ee (UNSMIL) Bernardino León ayaa si adag u cambaareeyay kooxaha argagixisada ah oo weerar ku beegsaday safaaradda dalka Spain uu ku leeyahay Libya.

Sida wararku sheegayaan, waxa qarax lala beegsaday dhismaha safaaradda dalka Sapain uu ku leeyahay Libya 20-kii bishan April, kaasoo waxyeelo soo gaadhsiiya dhismahaas, balse aan wax khasaare nafeed ah gaysan. Qaraxan ayaa ka mid ah weerarrada is-daba jooga ah ee ay kooxaha argagixisada ahi ku beegsanayeen, safaaradda waddamada kale ku leeyihiin dalka Libya, iyagoo hore qarax uga gaystay safaaraddaha Korea iyo Morocco.

Qoraal shalay galab kasoo baxay xafiiska UNSMIL ayaa lagu yidhi. “UNSMIL waxay dhiirigelinaysaa inay sii socdaaan dedaalada lagu gaadhayo in dib loogu soo celiyo nabadii iyo xasiloonidii Libya, waxaananu xoojinaynaa dhismaha hay’ddihii dawladdeed, si loo dagaalamo argagixisada.”

Qaraxan ayaa kusoo beegamaya xilli kooxaha siyaasadda dalka Libya ay si wada-jir ah u kulmeen si ay loo gaadho heshiis lagu soo afjaro dagaalka ka socda dalkaas.

Wareegii ugu dambeeyay ee wada-hadalladaas ayaa ka socda magaalada Skhirat ee dalka, iyagoo dhinacyaduna rajaynaya inay heshiis lagu dhiso dawlad ku-meel-gaadh ah la dhiso.

Somalilandpost.net