Qandaraasle Turki Ah Oo Muqdisho Koox Dablay Ah Ay Ku Weerartay

Muqdisho(SLpost)-Magaalada Muqdisho, dabley hubeysan oo gaadhi la socday ayaa rasaas ku fureen muwaaddin u dhashay dalka Turkiga oo ka soo baxay salaaddii Jimcaha masjidka Cabdullaahi Ciise ee degmada Hodan.

Rasaasta ay dableydu furtay waxa ku dhaawacay muwaaddinka Turkiga oo ah qandaraasle la shaqeeya hay’adda samafalka ee dalka Turkiga ee loo yaqaan IHH.

Dhaawaca ninkan Turkiga ah waxaa isla markiiba loo qaaday Isbitaalka Soomaaliya-Turkiya ee horey loo oran jiray Digfeer oo ku dhaw halka uu weerarku ka dhacay.

Weerarka ay dableydu qaadday waxa sidoo kale ku dhintay gabadh yar oo saddex sano jir ahayd oo ku nooleyd xero barakacayaal oo ku dhaw halka weerarku ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay weerarka ninka Turkiga ah lagu dhaawacay iyo cid loo soo xiray toona illaa hadda.