Qalabkii loogu Talo-galay wejiga 1aad ee Dhismaha Jidka Ceerigaabo oo soo Gaadhay (DAAWO SAWIRRO)

Kala-baydh (SLpost)- Waxa Maanta dalka soo gaadhay qalabkii loogu talo-galay wejiga koowaad ee dhismaha waddada Ceerigaabo, kaas oo ka soo degay dekedda magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qalabkan oo xukuumaddu ka soo iibisay dalka Shiinaha, isuguna jirto Cagafyo, booyadaha biyaha iyo Iskarogooyin, waxa maanta kaga hortagay tuulada Kala-baydh ee galbeedka magaalada Gabiley, wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay weheliyaan Maareeyaha hay’adda waddooyinka iyo guddiga dhismaha waddadaas, ka dib safar dhulka ah oo gaadiidkaas iyo qalabka lagaga keenay dalka Jabuuti.

IMG_0081Maareeyaha Wakaaladda Waddooyinka Somaliland Prof Xasan Cali Cismaan oo ka hadlay goobta gaadiidkan ay kaga hortageen, ayaa tafasiil ka bixiyey tirada qalabka shalay dalka soo gaadhay, kuwaas oo uu ku kala sheegay inay kala yihiin Afar baabuur oo waaweyn oo kuwa Carrada qaada ah, laba Garaydhar, Laba Sheewal oo kuwa ciidda lagu raro, hal Baaldawsar, booyad iyo Gaadhiga lagu xambaaro gaadiidka waaweyn.

Maareeyuhu waxa uu sheegay inay jiraan qalab kale oo ay kaga yimaaddeen dekedda Jabuuti, “Qalabkani waa wejigii kowaad. Waxa noo soo socda oo aanu Jabuuti kaga nimi kuwa isku Qasa daamurka iyo Jayga oo laba ah iyo isbeer-baartii qalabkaasi lahaa oo dhan iyo laba baaldawsar,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland.

IMG_0164 IMG_0162 IMG_0160 IMG_0152 IMG_0150 IMG_0143 IMG_0139 IMG_0138 IMG_0133 IMG_0114 IMG_0109 IMG_0107 IMG_0103 IMG_0088 IMG_0081 IMG_0078 IMG_0076 IMG_0066 IMG_0062 IMG_0057 IMG_0046 IMG_0029 IMG_0025