Qalabka Saadaasha Hawada oo lagu wareejiyey Wasaaradda Beeraha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Ha’yadda duulimaadyada iyo Madaarrada ee Somaliland, ayaa maanta wasaaradda beeraha ku wareejisay qalabka Saadaasha Hawada ay ha’yaddu  hore ugu shaqayn jirtay.

Qalabkan oo loogu talo galay in lagula socdo isbeddelka Cimillada Hawada, waxaa markii hore gacanta ku haysay Hay’adda Duullimaadyada, waxaana ku shaqayn doona Wasaaradda Horumarinta beeraha Somaliland, gaar ahaan waaxda La-socodka Saadaasha Hawada ee wasaaradda.

Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi, ayaa qalabka ku wareejiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Rooble Cabdi Muuse oo uu weheliyo Agaasimaha waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Cabdiqani Galeydh.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

https://www.youtube.com/watch?v=eGJXYV0n2F