Qal-qallooca Xukuumada Talada Haysa Iyo Qumanaanta Shacabka Somaliland!

Dadku muu bislaan weli,

Inta qaranka dahabkaa,

Qabiil uu ku daba jiro,

Dalna Wuu habsaamaa,

Inta damacu adagyee,

Qofba doonistiisa,

Danta guud ka jacelyahay

           Abwaan Abees

Xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya bulshada reer Somaliland meelkasta oo ay dunida ka joogaan iyo wada qaybsiga hawlaha iyaga oo isugu imanaya sifo qudha oo ah inay yihiin muwaadiniin u wada dhashay qaranka ay gacantooda ku unkeen ee ay u shaqaynayaan waa astaan ka mid ah rumaysnaanta jirtaanka qaranimo , Somaliland maaha qaran ay reer kaliyi ku midoobeen ee waa qaran astaan u ah kuna wada jiraan dad kala duwan oo isku diin iyo isku dhaqan qudha ahi ka dhaxeeyo, hadaba waxaa ayaamahan soo kordhayay qalafsanaan , qalqalooc iyo cadaalad daro badan oo isa soo tarayay maalmihii ugu danbeeyay taasi oo soo waajahday xukuumada talada dalka haysa taas oo aad la yaabayso balanqaadyadii ay shalay samaysay xukuumadu iyo wajiga dhabtaa ee ay maanta la soo baxday, taasi oo uu farqi wayni u dhaxeeyo , hadaba waxaa is waydiin leh yaa soo doortay xukuumadan shacabka mise reer gaara, hadaba tan iyo maalintii ay xukuumada cusubi xilka la wareegtay ayaad arkaysaa dhaqano inagu cusub inkasta oo ay hore waxoogaa u jireen hadana sidan uu shaaraca ugu soo baxay wuu ka asturnaa, waxaad arkaysa xukuumadii oo marqudha u xiibsiibatay inay ku dhaqanto habkii qadiimiga ahaa ee is  qabiilaysiga, waxaad arkaysaa wasiiro dawlada ka tirsan oo dad ay ehel iyo qaraabo dhaw yihiin  shaqooyinkii ku xeernaa oo dhan gacanta u galiyay iyo qaybihi muhiimka u ahaa meelaha ay joogaan ee ay xilalka ka hayaan oo dhan iyagoo sheegaya inay yihiin cida kaliya ee ay ku aaminayaan hawlahooda shaqo iyo haybta qabiilka oo aan wax kale oo shuruudo ahi ku xidhnayn, hadaba marka la eego dhaqanka noocan ah ayaa ay dad badani sida fiinta uga qayliyeen iyaga oo sheegay inay xukuumadu ka leexatay jidkii toosnaanta iyo cadaalada ahayd ee ay codkooda ku siiyeen wakhtigii doorashada, iyadoo dadkani sheegay inay noqotay ka daroo dibi dhal xukuumadanina  ay haduun shaaraca keentay wixii loo yiqiin  is qabiilaysiga ee ay shacabka Somaliland ka soo dagaalamayeen labaatankii sano ee ugu danbeeyay.

Hadaba marka la eego dhaqanka noocan ah ee ka muuqda xukuumada laba sanadood ku dhawaadka talada dalka haysay macnuhu waxaa weeyi anaga beel ayaa nalaga soo doortay , markaa beeshii kursiga na keentay ayaanu aaminsahahay oo aan ku aamini karnaa hawlahayaga, taasina waxay dhashay oo ay sabab u noqotay in shaqaale badan oo aan loo baahnayn oo la qoro hayadaha dawligaa iyo kuwa ka madax banaanba ,waxaad arkaysa maalin kasta oo ku soo marta wasiiro dhan oo shaqooyinkii qaranka looga igmaday intay baal mareen ku mashquulsan shaqo gaynta dad ay isku hayb yihiin oo aan waxba qorin waxna aan akhriyin  oo ah dad caamo ah, inkastoo dadka arimaha bulshada falanqeeyaa ay arintan ku macneeyeen mid ay wasiirada, agaasimayaasha iyo maamulada dawlada oo dhani ay tahay olole lagaga hortagayo waxbarashada oo ah niyad jab  iyo damiir ka dilis intii wax baratay ah iyo inta wax baranaysaba kuwaas  oo ku macneeyay inay dhiiri galin iyo niyad siinayso inta aan waxba baran ee caamadaa marka laga shaqo galiyo loona dhiibo mansabyadii ugu sareeyay ee wasaarada iyo hayadahaba,  hadaba dadkan arimahaa bulshadu u dhuun daloolaa waxay eeda ugu badan saaraan masuuliyiinta loo igmaday xilalka kala duwan sida wasiirada, dadka xukuumada maamulka ka kala haya iyo maamulayaasha hayadaha madaxa banaanba, hadaba iyadoo xaalku halkaa marayo ayaynu ka war haynaa camal la’aanta xoogan ee ka jirta wadanka Somaliland taas oo dhalinyaro ku dhawaad kumaneeyo gaadhaya ay barqo cad ka jarmaadeen wadankoodii hooyo iyagoo u sii jeeda wadamada reer gableeda ,sidoo kale intii wax baratay ayaa iyaguna buux dhaafiyay goobaha maqaxiyada iyo marfashyada iyagoo waayay meelo ay xitaa si mutadawacnimo ah ugu shaqeeyaan oo ay ku soo bandhigaan wixii ay barteen, hadaba su’aalaha ku soo dhici kara qofkasta maskaxdiisu waxay tahay dadkan talada hayaa ee ay wasiiradu kaw ka yihiin ma waxay ay dhiiri galinayaan qaranimo mise qabiil ? hadiiba isaga oo wasiira ama xil kale ka haya xukuumadu ama hayadaha madaxa banaan ihi uu hadana rumaysan yahay dhaqanka qabiilka aadna uu ugaga kalsoon yahay aqoonta, kartida iyo dadaalku taasi ma keeni kartaa waxtar mise waxay keeni kartaa dibu dhaca?

Waa la fahmi karaa in  hab dhaqankan la jaan qaaday wax ku qaybsiga  iyo xilalka lagu magacaabayo  sifo beeleed  ay keeni karaan dib u dhac waana wax cad in ku dhaqankan qabiilku aanay daawo u ahayn qaranimada iyo wax wada qaybsiga.hadaba masuuliyiinta iyo hawlwadaanadii ka kala yimid deegaanada kala duwan iyo gobolada guud ahaanba Somaliland waa astaan wanaagsan oo laga arki karo qaranimada Somaliland hadiise ay ahaato wasarad kasta , hayad kasta iyo goob kasta  oo aan haysto waxaan aaminsanahay oo ila shaqaynaya inta reerkayaga ah iyo inta aanu qaraabada dhaw nahay waa tusaale cad oo lidi ku ah qaranimada Somaliland waxayna horseedi kartaa kala qalood, kala qayqaybsi iyo hayad kasta iyo wasarad kastaba ay ku abtirsato qabiil gaar ah sida manta inta badan ka dhacda Somaliland, bal u fiirso hayad kasta iyo wasarad kastaba masuuliyiinta talada haya dad ay isku hayb yihiin ayay u badan yihiin meeday talaw cadaaladii , meeday sinaantii, mee balanqaadkii, mee shaqooyinkii loo sinaa, miyaanay ahayn ana waa igu markayga, mooji bal aan waydiiyo xukuumada halka ay ka dhacday ?

Manta waxaynu maraynay heerkii ay wasarad kasta iyo hayad kastaaba ay tusaale u noqon lahayd  wadanka ee dadka kala aqoonta iyo kala haybta duwani ay ku midoobi lahaayeen shaqada laakin inta dabada la is wada haysto ee waa ina hebel la isku shaqo gaynayo ee intii isku reeriba ay goog qudha wada joogaan halbeeg uma noqon karto daacidnimada  masuuliyiinta ummada soo dooratay ee xilalka haya,sidoo kale tixraac wayn malaha sababta keentay in inta badan masuulintaasi soo dhawaystaan hawl wadeeno ama shaqaale ay isku qabiil iyo isku hayb yihin , laakin waxaa macno samaynaya dhaqankaasi ma yahay mid dhiiri galinaya sinaanta, cadaalada iyo midnimada Somaliland ? muxuuse ku biyo shubanayaa , su’aalahan jawabtooda ay ta hore noqonaysaa Maya, waayo masuulka waxaa soo doortay oo keenay meesha shacabka Somaliland ee kuma iman hab qabiil hawsha uu hayaana waa mid qaran ee maaha mid qoys ama ehel ama qabiil.

Ta labaadna waxay tahay arin muujinaysa in shaqada loo sinayn taas oo ah cadaalad daro iyo musuq maasuq , hadaba iyada oo ay jiraan dhalinyaro iyo muwaadiniin leh aqoon heer jaamacadeed ah , waayo aragnimo iyo indheer garadnimimo iyo waliba aqoon ka badan intay doonto marka la barbar dhigo kuwa ay haybta qabiil ku keenayaan masuuliyiinta talada dalka haysaa iyagoo gacanta haya, ugu danbayntii in shaqada la isku qoro hab qabiil iyo kanaa aan isku reer nahay waa ayaan daro waxayna tusale cad u noqon kartaa dib u dhac , hoog iyo halaagba, laakin manta waxaan filayay inay tahay heerkii shaqooyinka la isku qori lahaa maxaad taqaanaa laakin inta habka qabiilaysigu dawlada iyo hayadaha ka shaqayanyo waxaan Leeyahay Guuli Waa Wali, Ictiraafna Hadalkiisaba Daa.

Cabdifataah Sh.Nuux Jaamac (Suldaanka)

Email: Samriye99@hotmail.com