Qaddaafi iyo Wiilashiisa oo la ogaaday Meesha ay ku sugan yihiin

Sirte, (SLpost)- Hoggaamiyihii hore ee dalka Libya colonel Mucaamar Al Qadaafi ayaa tan iyo intii ka danbaysay markii 23-kii August 2011-ka laga qabsaday caasimadda dalkaas ee Tripoli ku jiray dhuumasho iyo firxad aan kala go’ lahayn. Hasa yeeshee Mr. Qadaafi oo la sheego inuu wax badan ka korodhsaday waayo aragnimadii Usma Binu Laden ayaa ku guulaystay inuu raad gado firxadkiisa, wararka laga helayaana adkaadaan. Haddaba waxa saacadihii u danbeeyay soo baxayay warar sheegaya in Qadaafi ku dhuumanayo tuulo ku dhow xadka u dhexeeya Libya iyo Aljeeriya, halkaas oo uu gabood ka helayo dadka Daariqiyiinta loo yaqaano ee ku dhaqan ama dega saxaaraha afrikada galbeed. Dadka Daariqiyiinta ayaa ah sida la sheegay qoomiyada kaliya ee wali taageerada u haya hogaamiyihii hore ee dalka Libya colonel Qadaafi iyo xubnihii dawladiisa ee firxashada ku jira.

Masuul sare oo ka tirsan milatariga golaha ku-meel gaadhka ee dalka Libya ayaa markii ugu horaysay sheegay in ay hayaan xogo cad oo ay ku cadayn karaan halka uu rasmi ahaan ku sugan yahay ama ku dhuumanayo hoogamiyihii hore ee dalkaas. Waxa kale oo uu masuulkani ka waramay goobaha ay joogaan labada wiil ee dagaal yahanada ah ee uu dhalay Colonel Qadaafi, ee lagu kala magacaabo Sayful Islaam iyo Muctasim Al Qadaafi. Masuulkan oo muujiyay in ay dersayaan talaabadii ay ka qaadi lahaayeen Qadaafi iyo labadiisa wiil ayaa sidoo kale ka waramay halka dagaalada ka socda magaalooyinka Sirta iyo Bin waleed ay marayaan xiligan.

Masuulkan milatari oo lagu magacaabo Haashim Abu Xajar oo khadka telefoonka ugu waramay wakaalada wararka ee Reuters ayaa tilmaamay in Qadaafi ku dhuumanayo tuulo u dhow magaalada Qadaamis ee xadka galbeed ee dalkaasi la wadaago wadanka Aljeeriya, halkaas oo uu gabood ka helayo dadka Daariqiyiinta loo yaqaano oo iyagu wali taageero wayn u haya Mr. Qadaafi. Sidoo kale waxa uu masuulkani xusay in Sayful Islaam Qadaafi iyo Muctasim Al Qadaafi ay wali ku sugan yihiin magaalooyinka Sirta iyo Bin Waleed, oo dagaalo qadhaadhi ka socdaan, laakiin laga yaabo inay u baxsadaan dhinaca dalka Nayjar oo ay socdaan dedaalo looga diyaarinayo goobo ay ku nabad galaan ayuu yidhi masuulkaasi.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net