“Qabyaalladu Waa Cudur Aan Laga Bogsan Ee Inta Aanu Kugu Dhicin, In Layska Ilaaliyo Weeye” Feysal Cali Waraabe

Hargeysa (SL.Post) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ka qayb galay madal lagu daah furayay sannad guurada koowaad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururka SOYMO oo ah Urur dhalinyaro ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay cidhib xumooyinka qabyaalladu dhaxalsiiso Bulshada.

faysal-cali-waraabe

“Qabyaalladu waa cudur aan laga bogsan ee  inta aanu kugu dhicin in layska ilaaliyo weeye, oo dhalinyartiinu ay iska ilaalisaa. Maanta Somalilan doorasho ayay galaysaa doorashadaas cidda foodka bixisaa waa idinka (dhalinyarada),  kuwan maanta noo yimaada [siyaasiyinta] ee qaadka naga cuna ee maalinba xisbi galaa food ma bixiyaan. Gelinka horena waxa yidhaahdaan waanu codaynaynaa ka dembena way fadhiyaan ee cidna uma footeeyaan, annagana shilin naguma uu hadhin oo iyagaa naga qaata . Waxay ku odhanayaan xisbi hebel baan tegeyaa haddaad lacag i siin weydo, kaasna waxba ku tari maayaan. Laakiin cidda codaysaa waa idinka [haweenka iyo dhalinyarta] ee waa inaad foodkiina maanta ka ilaalisaan inaad qabyaallad iyo laaluush ku bixisaan ee waa inaad codkiina ku bixisaan yaa baahidiina daboolaya” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe oo sii hadlaya, wuxu yidhi “Beellaha reer Sheekh Isaxaaq baa 1991-kii keenay gooni isu taagga, beellihii kalena way ku raaceen, nasiib darro maanta iyagii baa habar habar u kala baxay oo khatarta ugu weyni cidda ay kasoo socotaa maanta waa [reer Sh. Isaxaaq]. Haddaan tiirkaas la adkayn maantana Somaliland jiri mayso. Ninka qabiil ku soo baxay ee Oodweyne intuu reerkiisii la fadhiistay dawladdii samaystay ee yidhi Jilib Hebelna shalay buu haystaye maanta aynu innagu qabsanno, ee ay maskaxdiisu sidaas tahay kaas cod ha siinina”. “Waxaan leeyahay dhalinyarooy maanta qaran baad u baahan tihiin ee qabiil uma baahnidin ee midnimo ayaynu u baahannahay.” ayuu yidhi Hoggaamiyaha xisbiga UCID.

Faysal  Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay,  “Dadkeenu dhabar adayga ma yaqaannaan iyo in himillada lookacaa kufo laakiin innagu xumbo ayaynu nahay  hore u gudha balse aan samirka aqoonin. Markaa dee aniga uun wax ku qaata ileyn laba jeer baan dhacay oo haddana waanigaa soo taagan, ismana dhiibayo maxaa yeellay anigu waxaan u imi [siyaasadda] inaan ujeeddo ka gaadho, oo hadafkayga ka midho dhaliyaa, kaasi oo ah inay Somaliland xor noqoto oo ay adduunka kamid noqoto.” ayuu Faysal Cali Waraabe

 

Somalilandpost.net