Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin! (Qayb.3-aad)

Eng Hussein Adan Egeh1.     Hordhac

Qaybtii 2-aad ee maqaalkan waxaan kaga hadlay:

In Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba uu waqti aad u badani kaga lumo qaabilaadda iyo la hadalka dadka sida xad-dhaafka ah u buux-dhaafiya qolalka fadhiga ee xafiisyada masuuliyiinta Qaranka, dadkaasoo aan badankoodu u soconin ujeeddo cad ama daruuri ah. M/weynaha iyo madaxda kale ee qaranka waxa hawlihii ay ummadda u qaban lahaayen ka mashquuliyey xal-u-helidda iyo ka jawaabida tabashooyin beelaysan iyo dano gaar ah oo uu qof leeyahay oo xukuumadda loola tagayo. Arrintaasoo saamayn wayn ku leh hab-sami-u-socodka hawl-maalmeedka Madaxweynaha iyo Golihiisa Wasiirrada; ha noqoto maskax ahaan, waqti ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Madaxweynaha iyo madaxda kale ee qaranka  waxay hab-dhaqanka noocan ah kala kulmaan daal badan, wareer, madax-xanuun, niyad jab iyo iyaga oo waqti u waaya xil-gudashada hawlihii Qaranka ee loo igmaday.

Waxa kale oo aan qaybtii 2-aad ee maqaalkan kaga hadlay:

Inaan badanaaba Xukuumadda lagala hadal dan-guud iyo taba-shooyin khuseeya adeegyada asaasiga ah ee ay bulshadu xaqa u leedahay (sida: Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Jidadka, iwm). Xukuumadda lagalama hadlo dan Degaan, mid Tuulo, mid Degmo iyo tu Gobol midnaba. Waa ma dhacdo inaad aragto Madaxweynaha Qaranka oo loola tagayo talo nasteexa oo ku wajahan wixii u adeegaya danaha ummadda iyo maslaxadda Qaranka. Way adagtahay inaad aragto M/weynaha oo loo gudbinayo talo-bixin suuban oo khusaysa toosinta dhalliilaha ka muuqda maamulkiisa. Cabasho kasta oo Xukuumadda loo soo jeediyaa waxay salka ku haysaa dareen reernimo, waxaanad in badan maqlaysaa tabashooyin beelaysan oo M/weynaha loola tagayo oo lagu leeyahay: “M/weyne, haddaanu nahay beesha reer-hebel, Xukuumaddaada waanu ka qatanahay oo kamaanu helin sadkii iyo saamigii aanu xaqa ugu lahayn. Ma lihin Wasiir, W/k/Xigeen iyo Agaasime midnaba.”

Sidoo kale waxaad maqlaysaa tar-sheegasho qayaxan oo Madaxweynaha loola tagayo oo lagu leeyahay:  M/weyne, ma miisaanka uu reerku leeyahay ayaanad dareensanayn? Ma waxtarkayaga ayaan kuu cuntamin? Ma ogtahayse inaanu nahay reerkii aan Xisbigaaga u kala hadhin ee dhammaan u codeeyey ee inta Allah ka sokaysa, suurto geliyey inaad maanta kursigaa ku fadhiisato!”

Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin! (Qayb.3-aad)

Ummadda JSL waxay marxalado iyo duruufo aad u adag u soo mareen si ay u xaqiijiyaan jiritaanka Jam. Somaliland ee maanta taagan, taasoo guusheedii, gobannimadeedii, dawladnimadeedii iyo dheeftiisiiba maanta la wada hadhsanayo. Dhinaca kale, Ummadda Karaamada leh ee Jam. Somaliland waxay maraxalado adag iyo waaye aad u qallafsanba kaga soo gudbeen waa nabad jacaylka, wada tashiga, isku-tanaasulka, is-qadarinta, danta guud ee ummadda oo loo tudho iyo cadowga JSL oo meel looga soo wada jeesto. Waa dhaqan suuban iyo tilmaamo togan oo Ummada JSL ay leeyihiin, taasoo ay kaga tilmaaman yihiin ummadaha kale ee Gobolka geeska Afrika ku nool.

Waxaan aaminsanahay in Dareenka Waddaninimo iyo Dal-jacaylku aanay ahayn wax la barto ama la iska dhigi karo, balse ay yihiin dareen iyo rabitaan qoto dheer oo qofka muwaadinka ah ku abuuran, kaasoo muwaadin walba (rag iyo haweenba) si joogto ah ugu baraar-rujiya  in wax walba laga hor mariyo Qarannimada iyo jiritaanka Dalka iyo Dadka.

Qabyaaladda iyo Qarannimadu waa laba wax oo aan is-qaban karin, sidoo kale Qabyaaladda iyo Hannaanka Dimuqraadiyaddu waa isku dab iyo dhagax. Bal iyadba waa cibaaree, waxa nasiib darro inteeda leeg ah in bulshadeenna uu aad ugu yar yahay Dareen-Wadareedka Waddaninnimo oo ah sida keliya ee Qaran lagu dhiso, halka uuMaan-dooriyaha Qabyaaladda  iyo Dareen-Wadareedka Qabiilkuna uu bulshadeenna aad ugu xoog badan yahay, kaasoo ah cadowga koowaad ee Qarannimada.

Qaybtan 3-aad ee maqaalka waxaan isku dayi doonaa inaan jawaab u helo labada su’aalood ee soo socda:

Maxaa bulshadeena ugu wacan in Danta iyo Dareenka Qabiilku ay ka xoog bataan Dareen-Wadareedka Ummadnimo?

Maxaa bulshadeena ugu wacan inay mar walba isku mashquuliyaan ama ay ka shaqeeyaan dan gaar ah oo ah inuu qof wax-noqodo, halkii ay ka shaqayn lahaayeen wixii bulshadada oo dhan u dan ah?

Waxay aniga ila tahay in qabyaaladda, qof-jeclaysiga iyo qof-necbaysiga ay bulshadeenu caadaysatay ay inoogu wacan yihiin hab-dhaqanka noocan ah. Qabyaaladda ayaa ah Min-qiyaaska iyo Halbeegga jiheeya qaabka fikirka siyaasiga ah ee bulshada JSL ee waqtigan xaadirka ah. Qabiilka iyo ku dhaqanka Qabyaaladda ayaad moodaa inay inaga indho-tireen mudnaantii iyo ahmiyaddii ay lahayd dareenka wadajirka bulshada iyo ahaanshaha Ummadnimo, taasoo aad mooddo in xataa Caqiidatul-Islaamkaba uu Qabiilku inalaga culus yahay. Haddaba sida muuqata, Ummadda JSL waa bulsho doonaysa inay saddex hab oo aan is-qaban karin (Qabiil, Qarannimo iyo Hannaanka Dimuqraadiyadda) ay hal mar  wada adeegsato!! Waa ma dhacdo in saddexdan hab mar la wada adeegsado, sidaana laguma xaqiijin karo hadafka iyo hiigsiga ay ummaddu leedahay. Waxa hubaal ah, itaalkuu doono Qaranku ha lahaadee, inay mar walba jiri doonto jaah-wareer iyo kala-qaybsanaan bulsho oo joogto ah.

ALLAH ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”  mar uu ka hadlayey xumaanta, dhibta iyo mashaakilka ay QABYAALADDU leedahay, maansadisii “Dugsi Ma Leh Qabyaaladi” wuxuu ku yidhi sidan:

Dugsi ma leh qabyaaladi;

Waa dararta baahida;

Waa astaanta di-u-dhaca;

Waa boog dalooshoo

Dadka maanka kaga taal.

Dirxi qudhun ku nool iyo

Waxa fadha nin daalin ah;

Damqa oo ku joogsada.

 

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”(AHUN), maansadiisii ERGO waxa uu ku yidhi:

“UF” qabiilka anaa leh;

Wuxuun baa ku adeegta

Nin iskii kartidiisa,

Isagoon cid ku tiirsan

Isu taagi karaynin;

Una haysta ateero

Ayaantuu dambi geysto

Laga hoos galo eedda!

 

La soco qaybta 4-aad ee: Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin!

 

Wa Billaahi Tawfiiq; ALLAA Mahad iyo Mudnaanba Leh,

 

W/Q: | Eng.  Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| Hargeysa, Jam. Somaliland |